Urur ballan qaaday ka qeyb qaadashada dagaalka AS ee ka bilaaban doona Koonfur Galbeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Ahlusunnah Waljamaaca ee fadhigoodu yahay deegaanada maamulka Galmudug ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka billaaban doona deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Culimadan oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku nuuxnuuxsaday doorkooda taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin la dagaalanka afkaarta shisheeye ee xagjirka ah.

Waxa ay sheegeen in dagaalkan uusan waxba ka duwaneyn kuwii dhiggiisa ahaa ee ay culumada Soomaaliyeed kula dagaalameen gumeysiga.

Waxaa la filayaa in dhawaan uu bilowdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolada Koonfureed, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed ay ku celceliyeen inay u diyaar-garoobeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM