Ururka Midowga Afrika oo yeeshay gudoomiye cusub

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweynaha wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa loo doortay gudoomiyaha cusub ee ururka Midowga Afrika.

Cyril Ramaphosa ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xilka kala wareegay Cabdifitaax Al Siisi, hogaamiyaha wadanka Carbeed ee Masar.

Xil-wareejinta ayaa ka dhacday shir-madaxeedka 33aad ee AU-da oo lagu qabtay magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa kamid ah madaxda ka qeybgashay shirka.

Al Siisi ayaa dhankiisa sanadkii hore 2019-kii wuxuu bedelay Paul Kagame, madaxweynaha qaranka Rwanda.

Ramaphosa oo dareen farxadeed muujiyey ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ururku gaarey mudadii uu xafiiska joogay Al Siisi.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in ajandihiisa mudada xilheyntiisa ay safka hore kaga jiraan sinaanta, kobac dhaqaale iyo soo afjirada dhamaan colaadaha ka holcaya qaar kamid dalalka qaarada.

Jagada gudoomiyaha ururka Midowga Afrika oo ay qabtaan madaxweyneyaasha wadamada xubinta ka ah ayaa sanadkiiba mar la doortaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM