Ururka Midowga Afrika oo yeeshay gudoomiye cusub

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweynaha wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa loo doortay gudoomiyaha cusub ee ururka Midowga Afrika.

Cyril Ramaphosa ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xilka kala wareegay Cabdifitaax Al Siisi, hogaamiyaha wadanka Carbeed ee Masar.

Xil-wareejinta ayaa ka dhacday shir-madaxeedka 33aad ee AU-da oo lagu qabtay magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa kamid ah madaxda ka qeybgashay shirka.

Al Siisi ayaa dhankiisa sanadkii hore 2019-kii wuxuu bedelay Paul Kagame, madaxweynaha qaranka Rwanda.

Ramaphosa oo dareen farxadeed muujiyey ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ururku gaarey mudadii uu xafiiska joogay Al Siisi.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in ajandihiisa mudada xilheyntiisa ay safka hore kaga jiraan sinaanta, kobac dhaqaale iyo soo afjirada dhamaan colaadaha ka holcaya qaar kamid dalalka qaarada.

Jagada gudoomiyaha ururka Midowga Afrika oo ay qabtaan madaxweyneyaasha wadamada xubinta ka ah ayaa sanadkiiba mar la doortaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM