Ururka OIC oo cambaareeyay weerar ka dhacay dalka Soomaaliya

Image

GAALKACYO, Mudug – Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa shaaciyey in uu cambaareynayo weerarkii 21-kii December, 2019, lagu qaadey huteel ku yaala Koonfur Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururka OIC ayaa lagu sheegay in ay tacsi u dirayaan eheladda dadkooda ku waayey dhacdadaas.

Dr. Yousef Al-Othaimeen, xoghayaha guud ee OIC, ayaa soo kabasho degdeg ah u rajeeyay bukaanadda wax ku noqday falkaas.

Xoghaye Al-Othaimeen ayaa ku nuux-nuux saday in ay ka taageeri doonan Soomaaliya sidii loo ciribtiri lahaa argagixisada.

"Waxaa naga go’an in aan cambaareynayo kana taakuleyn Dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta," ayuu raaciyey.

Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay qaraxa oo lagu weeraray huteel oo ay shir ku lahaayeen taliyeyaal ciidan iyo saraakiil sar-sarre.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha, in ka badan 40 qof oo isugu jira ganacsato iyo shacab ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey qarax oo uu waday naftii hore.

Qaraxaas ayaa noqday midkii labaad oo noociisa ah oo kaliya sanadkan sii idlaanaya ee 2019 ka dhaca koonfurta magaaladda Gaalkacyo oo uu ka jiro maamul hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM