Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

Image
6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

Rabat (GO) - Ururada aan dowliga ahayn ee Marooko ayaa ka codsaday dawladooda inay soo faragaliso sidii loo sii dayn lahaa muwaadiniinta Marooko ee ay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ku xukuntay dil toogasho ah.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen ururadan ayaa waxa ay ku sheegeen inay ka war heleen xukun lagu riday koox ka kooban lix qof oo u dhashay Marooko 2-dii March.

Hay’adahan ayaa dhaliilay xukunka dilka ah ee ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in eedaysanayaasha ay Soomaaliya u yimaadeen ujeedooyin shaqo.

Lix qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish ee Soomaaliya, iyaga oo ka baxsaday ururkaasi xaalad Shaqo oo adag awgeed.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM