USA: Soomaali loo xukumay wax-is-dabamarin maaliyadeed

Image

NEW YORK, USA - Laba Soomaali ah oo magaalada Lewiston, gobolka Maine ee Mareykanka ku tagay qaxooti ahaan ayaa Jimcadii waxaa xukun ku ridday maxkamadda federaalka, sidda uu daabacay Joornaalka maxaliga ah ee SUN.

Cabdirashiid Axmed iyo Garaad Cusmaan ayaa la sheegay in xukunkooda uu salka ku hayo tuhun la xiriira wax-is-dabamarin ay ku sameeyeen daryeelka caafimaadka ee MaineCare ayna musuqmaasuqeen in ka badan $ 1.8 milyan iyada oo loo marayo xafiiska Lewiston ee bixiya adeegyadda la-talinta dhinaca caafimaadka maskaxda iyo maandooriyaha.

Garsooraha Sare ee maxkamadda Jon D. Levy wuxuu C/rashiid Axmed oo 41 jir ah ku xukumay labo sano oo xarig ah, oo lagu daray seddex sano oo sii deyn kormeer ah.

Qareenka difaacaya Axmed ee Daniel Dube ayaa dhagaysiga kadib sheegay in macmiilkiisu uu qorshaystay inuu racfaan ka qaato xukunkiisa. Dhanka kale, Garaad Cismaan, 35-jir oo eedeynta qeyb ka ah, ayaa qudhiisa waxaa garka loo geliyey xukun seddex sano.

Axmed, oo ay Levy u aragay inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii shirqoolka, waxaa lagu xukumay in uu bixiyo $ 1,863,264.83 oo dib loogu soo celiyo barnaamijka Maine ee Medicaid gebi ahaan ama qayb ka mid ah eedaysanayaasha kale. Levy wuxuu sheegay in Axmed uu helay saamiga ugu badan ee lacagaha sidda is-dabamarinta ah lagu helay.

Cusmaan waxaa lagu amray inuu dib ugu celiyo MaineCare aduun lacageed dhan $544,097.78 oo mag-dhow ah guud ahaan ama qayb ahaan, sida ku xusan warbixinta Joornaalka SUN.

Eedeymo kale oo aan la fahfaahin oo lagu soo rogay xukumaneyaasha ayaa meesha laga saarey iyadda oo Levy uu tibaaxay "in uu tixgeliyey xaqiiqda ah in labada ninba ay ku dhasheen Soomaaliya oo ay soo gaareen dhibaato aad u daran ka hor intii aysan dalkan gaarin".

Cismaan ayaa, sida ku cad warbixinta, wuxuu ku soo biiray qorshaha bishii Diseembar 2016 wuxuuna aasaasay shirkad turjubaan ah oo heshay dhammaan lacagaha khiyaanada laga soo bilaabo xilligaas illaa horraantii Maajo 2019.

Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in laga soo bilaabo Nofeembar 2015 ilaa May 2018, Ludwig iyo Ahmed ay hogaaminayeen shirqool lagu sameeyo khiyaano daryeel caafimaad iyagoo u gudbiyay MaineCare lana sameyn wax xisaab xir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM