Vietnam oo baaq kasoo saartay doorashada Soomaaliya

Image

HANOI, Vietnam – Vietnam ayaa ku talineysa in caqabadaha ku hor-gudban doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 lagu dhameeyo qaab wada-ogol ah, sidda ay sheegtay ku xigeenka ergayga dalkaas u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Nguyen Phuong Tra, oo ka hadashay fadhi gaar ah oo Golaha Ammaanka 20-kii Janaayo la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa tibaaxdey in waddankeeda uu mabda' ahaan taageerayo wadahadal.

Tra ayaa rajeysay in madaxda dowlada federaalka, maamulada iyo xisbiyadda siyaasadda in ay sameyn doonan dedaalo dheeraad ah oo xal lagu goobayo.

"Waxaan kalsooni balaaran ka qabaa in ay gaari doonan wada-ogol siyaasadeed oo ku saabsan taariikhda doorashooyinka dhaceyso sidoo kale ay xal u raadin doonan caqabadaha baaqiga ah," ayay hadalkeeda ku dartay haweenayda.

Dhanka kale, Tra ayaa cambaareysay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ka fulisay Soomaaliya si gaar ah qaraxii gobolka Shabeellaha Hoose lagula eegtay laguna dhaawacay saraakiisha kumaandooska Danab 17-ka bishaan Janaayo.

"Waxaa naga go’an in aan si kal iyo laab ah u taageerno dedaalada dadka Soomaaliyeed ugu gogol-xaarayaa nabada, xasiloonida iyo horumarka, waxaana Beesha Caalamka ugu baaqeynaa in ay ka caawiso Soomaaliya sidii ay u gaari lahayd hadafyadaas ayna xormeeyaan shuruucda madaxbanaanida iyo xeerarka caalamiga ah," ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay Nguyen Phuong Tra.

Is-faham-waaga haatan ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ayaa salka ku haya saddex qodob oo kala ah; ciidamadda dowladda ku daabushay gobolka Gedo, habraaca xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyadda xukuumada shaacisay.

Ergayga Qaramada Midoobay u fadhiya caasimada Muqdisho, James Swan, ayaa wada dedaalo uu ku doonayo in xal la gaaro kahor inta uusan dhamaan muddo xileedka dowladda oo ku eg 8-da Febraayo si uusan u dhicin firaaq dastuuri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM