Villa Soomaaliya oo "awaamiir faafreeb ah" dul-dhigtey saxaafada

Image
Sidda laga soo xigtey urur u dooda xuquuqda wariyeyaasha, qaar kamid ah xarumaha warbaahinta ayaa diidey dalabkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa isku-dayday in ay "awaamiir faafreeb ah" kusoo rogtey warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho, sidda laga soo xigtey urur madax-banaan.

Ururka u dooda xuquuqda warbaahinta madaxa-banaan ee SJS ayaa sheegay in qaar kamid ah xarumaha saxaafada madaxa-banaan ee Muqdisho ay iska diideen "dalabkaasi oo bilaabanayay Sabtidii".

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka SJS, amarka ayaa ahaa in warbaahinta maxalliga ah in ay wararka ka baxa warbaahinta gudaha ku soo gudbiyaan hab qoraal ah ka hor inta aan la baahin.

"Sabtidii 17-kii Diseembar, mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia ayaa ku wargeliyay warbaahinta maxalliga ah in ay wararka ka baxa warbaahinta gudaha ku soo gudbiyaan hab qoraal ah ka hor inta aan la baahin," ayay SJS ku tiri war-saxaafadeed.

Bayaanka ayaa waxa uu intaas ku darayaa: "Sida ay Somali Journalists Syndicate - SJS ogaatay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa ka biyo diiday dalabkaasi oo bilaabanaya Sabtidii".

"Somali Journalists Syndicate - SJS waxay cambaareynaysaa awaamiirta cusub ee ka soo baxday Villa Somalia ee ah in la faafreebo warbaahinta maxaliga ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Dhanka kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin eedeyntan. Isku-dayo xiriir oo ay la sameysay warbaahinta maxaliga ah ayaanan guuleysan.

Eedeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli qaar kamid ah xafiisyadda dalka ugu sareeya ay horey u wajahayeen eedeymo ku saabsan in ay caburin ku hayaan saxaafadda madaxa-banaan iyo aragtida xorta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM