Villa Soomaaliya oo "awaamiir faafreeb ah" dul-dhigtey saxaafada

Image
Sidda laga soo xigtey urur u dooda xuquuqda wariyeyaasha, qaar kamid ah xarumaha warbaahinta ayaa diidey dalabkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa isku-dayday in ay "awaamiir faafreeb ah" kusoo rogtey warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho, sidda laga soo xigtey urur madax-banaan.

Ururka u dooda xuquuqda warbaahinta madaxa-banaan ee SJS ayaa sheegay in qaar kamid ah xarumaha saxaafada madaxa-banaan ee Muqdisho ay iska diideen "dalabkaasi oo bilaabanayay Sabtidii".

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka SJS, amarka ayaa ahaa in warbaahinta maxalliga ah in ay wararka ka baxa warbaahinta gudaha ku soo gudbiyaan hab qoraal ah ka hor inta aan la baahin.

"Sabtidii 17-kii Diseembar, mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia ayaa ku wargeliyay warbaahinta maxalliga ah in ay wararka ka baxa warbaahinta gudaha ku soo gudbiyaan hab qoraal ah ka hor inta aan la baahin," ayay SJS ku tiri war-saxaafadeed.

Bayaanka ayaa waxa uu intaas ku darayaa: "Sida ay Somali Journalists Syndicate - SJS ogaatay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa ka biyo diiday dalabkaasi oo bilaabanaya Sabtidii".

"Somali Journalists Syndicate - SJS waxay cambaareynaysaa awaamiirta cusub ee ka soo baxday Villa Somalia ee ah in la faafreebo warbaahinta maxaliga ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Dhanka kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin eedeyntan. Isku-dayo xiriir oo ay la sameysay warbaahinta maxaliga ah ayaanan guuleysan.

Eedeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli qaar kamid ah xafiisyadda dalka ugu sareeya ay horey u wajahayeen eedeymo ku saabsan in ay caburin ku hayaan saxaafadda madaxa-banaan iyo aragtida xorta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM