Villa Soomaaliya oo fahfaahisay heshiisiinta labada aqal ee waddanka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan wadajir ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qodobbadii ka soo baxay Shirkii Muqdisho ee Wadatashiga Doorashooyinka iyo dhammeystirka Heshiiskii Samareeb 3.

Madaxda ayaa ka arrinsaday sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda dalka.

Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto.

“Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-kii bishan ay wadajirka u soo saareen Madaxwaynaha JFS, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo qodobkiisa 11-aad uu qeexayey in Heshiiskan siyaasadeed loo gudbindoono Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaadanaya doorka kaga aaddan midnimada iyo ilaalinta wadajirka Shacabka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Guddoonka Baarlamaaka in ay sii ambaqaadaan qodobbadii ka soobaxay Shirkii Muqdisho, kana gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saran dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM