Villa Soomaaliya oo ka warbixisay kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay fahfaahisay kulanka dhexmaray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiyaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi.

Sidda ay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, labadda mas'uul ayaa shalay galab ku dhowaad hal saac wada-hadalo ku yeeshay xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Xogta uu GO helayo ayaa intaas ku dareysa in Abiy uu yahay maskaxda ka dambeysa is-aragga labada dhinac oo ah markii ugu horeysay.

Cabdinuur Maxamed, afhayeenka madaxweyne Farmaajo, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP ayaa xaqiijiyey doorka Abiy, wallow uusan fahfaahin dheeri ah uusan bixin.

"Kulanka wuxuu ahaa mid albaabada u xirnaa. Ma jirin war-murtiyeed laga soo saarey. Wuxuu ahaa mid horudhac ah," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Xukuumadda Addis Ababa ayaanan wali si furan kaga hadlin wada-xaajoodyadda Farmaajo iyo Biixi oo qayb ka ahaa shir-doceedyadda kulanka 33aad ee Midowga Afrika oo ka qabsoomay Addis Ababa.

Dhanka kale, ma jiro mas'uul ka tirsan maamulka Hargeysa oo illaa iyo haatan ka warbixiyey kulanka labada madaxweyne.

Illo diblumaasiyadeed ayaa qiray in is-aragga Farmaajo iyo Biixi uu ahaa mid aan horey loosii qorsheyn isla markaana uusan jirin wax ajande ah oo ay miiska kuwada falanqeeyeen.

Wada-hadalkaan ayaa yimid iyadoo khilaaf u dhaxeeyo qaar kamid ah maamul goboleedyadda Soomaaliya iyo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo oo mudada xileedka dhamaad ka yahay.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aysan qaadin talaabooyin dhabaha u xaaraya in dib loo bilaabo wada-hadalada Somaliland, oo tan iyo 1991-kii sheegata gooni isu taag, wallow aan la aqoonsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM