Villa Soomaaliya oo ku fara-adeegaysa guddiyada doorasho ee qaadacay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku fara-adeegeysa isla markaana si cad uga soo horjeeda in dib-u-qaabeyn ku sameyso guddiyadda doorasho ee ay qaadaceen xisbiyadda mucaaradka dalka.

Guddiyadan oo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaaciyey markii ay gudbiyeen maamulada ayaa si gaar ah waxay cabashada uga taagan tahay xubnaha ka yimid dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle.

Xubnaha ka yimid maamuladan oo Villa Soomaaliya iyo taliska nabad-sugida soo xuleen waxay badankooda yihiin shaqaale dowladeed iyo xubno sirdoon, arrintaas oo ka hor-imaaneysa habraaca heshiiska doorasho iyo sharciga.

Sidoo kale, guddiga doorasho ee wakiilada Somaliland ku metala baarlamaanka federaalka ayuu is-qabqabsi ka jiraa. Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, wuxuu sheegay in aan lasoo qaadan xubno uu gudbiyey.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Mahadi Maxamed Guuleed [Khadar] oo difaacay magacaabida xukuumada ee guddiyadda, ayaa xusay in uu awood u siinayo habraaca heshiiska doorasho, isagoo Xaashi ku qeexay "mucaarad".

Madaxweyne Farmaajo oo aan si toos ah u dul-istaagin eedeymaha loo jeedinayo maamulkiisa ee ah in uu farageliyey guddiyada maamulada qaar ayaa ku adkeystay "in ay door ka siiyeen dhalinyaradii laga ilaalin jiray siyaasada".

Proff Cabdi Ismaaciil Samatar oo bare ka ah Jaamacad ku taala Mareykanka kana soo jeeda gobolada waqooyi ayaa rumeysan in doorka xukuumada qaadatay caddeynayo in ay ku talagaleyso in ay maroorsato xulista Xildhibaanada.

"Ra'iisul wasaaraha wuu ku gefsan yahay arrintaas, dadka ka dambeeyana jariim weyn ayay arrintaan ku galeen," ayuu u sheegay Universal Tv.

Wuxuu ku daray: "Marka waxay ahayd in reer waqooyga inta la isugu yeero oo loo daayo ee ma aha dowlad uu madaxweynaheeda u tartamo in uu soo noqdo in iyadda [dowladda] ra'iisul wasaaraheeda soo magacaabo waxa weye 'Waraabihii oo la yiri orodoo Waxaraha jir' weye; wiiq weyn iyo dhaawac ayay midnimadii koonfur iyo waqooyi – midnimada Soomaaliya – ku keeneysaa".

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay ku talogashay in ay abuurto xiisadan si ay dib ugu soo nooleyso riyadeeda muddo kororsiga.

Doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 ayaan ka duwaneyn coddeyntii 2016-kii, balse waxaa lagu kordhiyey tirada ergada oo laga dhigay 101, in ay ka dhaceyso laba magaalo iyo lacagta diiwaan-gelinta murashaxiinta oo labajibaarantay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM