Villa Soomaaliya oo qoraal kasoo saartey shirkii IGAD ee Jabuuti

Image
Dhawaqan ayaa yimid markii ay soo baxeen xogo ku gadaaman qorshe cusub oo ay Madaxtooyadda bilowday.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa soo saartey qoraal shan qodob ah kaasoo ku saabsan shir madaxeedkii ay hogaamiyeyaasha dalalka IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti.

Qoraalkan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka gadaal markii ay soo baxeen warar ku saabsan in shirkaas ay Dowladda Soomaaliya ku fashilantey isku-day ay ku dooneysay inay ku hesho ku xigeenka xoghayaha ururka.

Warbixinadda ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu u bixiyey $500,000 oo ah qaaraankan ururkan markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1988-dii.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.

In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.

Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go'aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.

IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha jira.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM