Villa Somalia oo riyada Farmaajo ku toshay fulinta heshiiska doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qodobkii labaad oo kamid ah jadwalka doorashooyinka qaranka ee 2020-21 ee dowladda federaalka ah iyo maamulada ku heshiiyeen ayaa wuxuu waqtigiisa dhamaadey iyaddoo aan wali la dhaqan-gelin.

1-da November, 2020 ayuu jadwalku sheegayaan in ay bilaabaneyso soo xulista Xildhibaanadda taasoo ay muuqaneyso in dib looga dhacay.

Magacaabida guddiyadda doorashooyinka heer gobol iyo heer federaal oo qorshuhu ahaa in lasoo dhameystiro 10-ka illaa 20-ka October ayaa muuqaneysa in uu u fuli waayay is-mari-waa xoogan oo aan xal loo helin.

Inkasta oo maamulada qaar gudbiyeen liiskooda, kuwa kale ayaa harsan, halka qaar kale ay Madaxtooyadda qoonsatay si gaar ah Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo gudbiyey magacyo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin saluugeen.

Hanaanka xulista wakiilada labada gole ee Somaliland iyo qadiyada gobolka Gedo ee dowladda ciidamadda geysay ayaa kamid ah qodobada khilaafku ka taagan yahay ee caqabada ku noqdey fulinta heshiiska siyaasadeed.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Aqalka Sarre oo xaqiijiyey in Dowladda Federaalka dooneyso in ay gacma-gacmeyso doorashada wakiilada Somaliland, ayaa caddeeyay in aysan ogolaan doonin.

Madaxtooyadda ayaa raadineysa in xubnaha guddiyada HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Somaliland ay noqdaan kuwa dhankeeda u jaranjeera maadaama uusan xiriir fiican kala dhaxeyn Puntland iyo Jubaland.

Maadaama ciidamada ka jooga Gedo ay ka amar-qaataan taliska hay'adda sirdoonka, Jubaland oo ka walaacsan in ay faragelin ku sameeyaan doorashada ka dhaceysa Garbaaharey ayaa codsatay in dib loogu celiyo Muqdisho.

Dowladda waqtiga kasii dhacayo ayaa ka cagajiideysa fulinta dalabkaan uu madaxweyne Axmed Madoobe shuruud ka dhigay in Garbahaarey ka dhacdo doorasho, waana mid kamid ah caqabadaha curyaamiyey heshiiska.

Dhamaan xaqiiqooyinkan shaacsan ayaa muujinaya in Villa Soomaaliya ay dhaqan-gelinta heshiiska ku toshay damaca Farmaajo oo in uu soo laabto maadaama dhamaan talaabooyinkan ku saleysan yihiin qorshihiisa coddeynta.

Inkasta oo marka la doorto ay ku daartaan ilaalinta danta Diinta, Dalka iyo Dadka, qaar kamid ah madaxda Soomaalida ayaa yoolkooda gaarka ah ka horumariya tan qaranka, waana mid kamida sababaha dalka u diidey hore u socodka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galey xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Xamse iyo Rigathi.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:32PM

Amnesty: Turkiga wuxuu gudaha Soomaaliya ku dilay 23 qof rayid ah

Hay'adan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ay dadkan lagu laayay hal duqeyn dhanka cirka ah.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 10:09AM