Jabuuti oo "xayirtey" Fahad Yaasiin Daahir: Villa Soomaaliya

Image
Madaxtooyada ayaa xustey in Jabuuti ay qaadeyso mas'uuliyada "wixii dhibaato ee soo gaara Fahad iyo saraakiisha wehlisa".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa Jimcada maanta ah waxay ku dhawaaqdey in Jamhuuriyadda Jabuuti ay "xanibtey" socdaalka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saraakiil kale oo wehlisay.

Villa Soomaaliya ayaa talaabadaas waxay ku tilmaamtay "xadgudub ka dhan ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah" uguna baaqdey in ay u fududeyso socdaalkooda.

Sida laga soo xigtay Cabdirashiid Maxamed Xaashi, afhayeenka Farmaajo, Jabuuti ayaa "si buuxda u qaadeysa mas'uuliyada wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah".

"Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa," ayuu Xaashi ku qoray bartiisa Facebook-ga.

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah".

"Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Fahad Yaasiin ayaa qorshuhu ahaa in uu maanta dib ugu soo laabto Muqdisho. Hase ahaatee, wararku waxay xusayaan in diyaaradda oo soo martay Jabuuti waxaa loo diidey in ay Muqdisho timaado.

Warsidaha Garowe Online ayaa wuxuu horey u baahiyey in diyaaradda Fahad Yaasiin lagu xayiray garoonka Jabuuti isla markaana rakaabkii ku sugayey Muqdisho la amray in ay dib isaga laabtaan guriyahoodda.

Si dhab ah looma ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa xayiraadda la sheegay in Fahad ay ku sameysay socdaalka Fahad, balse waxay imaanaysaa xilli madaxii haya'da sirdoonka loo haysto kiis ciqaabeed.

Gal-dacwadeedkaas ayaa la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay'adda sirdoonka taasoo la waayey in ka badan laba bilood kahor ayna qoyskeedu tibaaxeen in ay ku dambeysay gacanta mukhaabaraadka.

War-saxaafadeedka Villa Soomaaliya

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka horumarinta Teknoloojiyadda

Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyadda ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 04:30PM

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM