Villa Soomaaliya oo sharaxdey socdaalka Farmaajo ee Qadar

Image
Mucaaradka ayaa Dooxa ku eedeeyay in ay faragelin toos ah ku hayso siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaliya ayaa fahfaahin waxay ka bixisay socdaalka madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ugu kicitamay dalka Qadar.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa calay gaarey magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa "waxaa halkaas soo dhoweyn heer sare ah ugu sameeyey Masuuliyiin Sarsare oo ay ka mid yihiin Wasiiru Dowlaha Xamad Al-kawari iyo Safiirkeenna inoo jooga dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano".

"Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Qatar waxaa uu kulan doceedyo la qaadan doonaa hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda Furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee dalalka Carabta," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed  Cabdiqani Saciid Carab ayaa kamid ah wafdiga.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa Qadar waxay ku eedeeyeen in ay faragelin ku heyso siyaasadda gudaha ee dalka, islamarkaana ay taageerto musharaxiinteeda doorashada 2012 iyo 2017.

Lacag caddaan ah oo ka timid Doha ayaa lagu eedeeyay in ay door ku lahayd saameynta natiijada doorashada. Socdaalka Farmaajo wuxuu imaanayaa xilli doorashada soo dhow-dahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM