Waa imisa Tirada Ciidanka Nabad ilaalinta Somalia u direyso South Sudan?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay tirada Askarta ay u dirayso dalka South Sudan, kuwaasoo qeyb ka noqonaya ciidamo ka socda dalalka gobolka Geeska Africa oo nabad ilaaliyaal ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa diyaarisay 99 Askari oo loo dirayo South Sudan, si lamid ah dalka Jabuuti oo tiro intaasi la eg u diraya dalkan ugu da'da yar caalamka ee colaadda sokeeye ka socoto tan iyo 2013-kii.

Dalalka Kenya, Sudan iyo Uganda ayaa midkiiba diraya 499 Askari, waxayna ciidamadan waajibaadkooda shaqo noqon doonaa inay ilaaliyaan shacabka iyo hogaamiye-yaasha mucaaradka South Sudan, kadib markii dhawaan heshiis nabadeed laga gaarey colaadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa balan-qaadey in Soomaaliya ciidan u dirayso South Sudan, kadib markii uu qeyb ka noqday madaxdii IGAD ee goobjooga u ahaa saxiixa heshiiska Nabadda South Sudan bishii September ee sanadkan ka dhacay Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa waxay ku tiirsan tahay hadda ciidamada AMISOM, oo difaaca xarumaha dowladda iyo goobaha kale, iyadoo ciidamada qaranka aysan wali u diyaarsaneyn, awoodna u lahayn inay la wareegaan mas'uuliyadda amniga dalka.

Waxaa hakad ku yimid markii Farmaajo la doortay howshii isku-dhafka ciidamada kala duwan ee maamul goboleedyada, iyadoo khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka jira wadanka uu dhabar jab ku noqday qorshaha amniga Xukuumadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM