Waa kuma sarkaalka Jaamacadda Ummadda ee AS ku biiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ilo kala duwan oo ay ku jiraan kuwa u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqa, Nageeye Cali Khaliif ayaa GO u xaqiijiyay in uu ku biiray Argagixisada Alshabaab.

Nageeye ayaa sida uu buugiisa dibad wareeg ku sheegay dhawr mar horey ugu safray deegaanada AS ee saldhigga u ah kooxda gaar ahaan Jubada Dhaxe.

Xamar ayuu yimid bilawgii 2017 ka dib guusha madaxweynihii hore ee Maxamed Farmaajo isaga oo saaxiib dhaw la ahaa hogaankii madaxtooyada ee wakhtigaas.

Warar aanan xaqiijin ayaa sheegaya in uu Xaas hore lahaa isla markaana labo caruur ah ay u joogaan.

Todobaad kahor waxaa uu Hargeysa ku mehersaday xaas cusub.

Ninkaan ayaa la kulmay inta badan madaxda Soomaalida isaga oo caan ku ahaa gabayada Wadaniyadda waxaana uu si gaar ah ugu milnaa bahda warbaahinta.

Dhawaan waxaa uu ka mid ahaa Shaqaale laga ruqseeyay Hay'dda Tayodhawrka isaga oo ku magacawnaa qeybta ICT-ga.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo iyadu hoos tagta wasaaradda Waxbarashada ayuu sarkaal ka ahaa isaga oo ahaa Madaxa qeybta cilmiga Saxaafadda.

Nageeye wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo sheegi jiray in uu gabyo laakiin waa suurtagal in loosoo dhiibi jiray maadaama uu haatanba goostay.

Wadaniyadda iyo Xoriyadda ayuu aad ugu halqabsan jiray aakhirkii se waxay ku dhamaatay Jilib.

Tan ayaa muujinaysa jileeca Hay'addaha Amniga ee Soomaaliya in sarkaal shaqaale dowladeed ah uu AS ugu tago Jilib labo sano kahor isla markaana uu haatan toos ugu biiro isla markaana aanay jirin ka hor tag iyo kadaba tag muuqda midna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM