Waa maxay isbaddalka jirka ku yimaada marka aad sooman tahay?

Image
Sannad walba malaayiin Muslimiin ah oo daafaha dunida ku kala nool ayaa bisha Ramadhaan sooma.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sannad walba malaayiin Muslimiin ah oo daafaha dunida ku kala nool ayaa bisha Ramadhaan sooma 30 maalmood oo xiriir ah inta u dhaxeysa qorraxdu inta aysan soobixin ila inta ay ka dhaceyso.

Sanadihii u dambeeyey waddamada qaar wuxuu Soonka bisha Ramadhaan uu ku soo beegmaye xilliga xagaaga, sanadkanna waxuu bilawday 2-Abriil.
Taa micnaheedu waxa weeye, waddamada ay ka midka yihiin Norway waxay Muslimiinta dalkaasi ku nool ay soomaan 20 oo sacadood maalin walba.

Haddaba soonka 30-ka maalmood ee aad soontid bisha Ramadhaan ma yahay mid caafimaadkaaga u wanaagsan? Halkan kaga bogo waxa jirkaaga uu la kulmayo markaad 30 maalmood oo xiriir ah soontid.

Qaybaha ugu adag ee maalmaha ugu horreeya soonka

Marka la eego jirka banii aadamka sida uu u shaqeeyo jirkaaga xaalad soon ma galayo ilaa 8 saacadood ay ka soo wareegto xilligi kuugu dambeysay cunto. Saacadahaasi oo loo badiyo xilliga uu jirka dhameysanayo nafaqadi ugu dambeysay ee uu ka helay cuntadii kuugu dambeysay ee aad cuntay.

Wixi siddeedda saac ka dambeeyana wuxuu jirkeennu billaabayaa inuu tamar ka soo qaato gulukooska ku keydsan beerka iyo seedaha jirkeenna. Tamarta gulukooska haddeey dhammaatana wuxuu jirka tamar ka raadsanayaa baruurta jirkeenna ku keydsan.
 
Jirka marka uu billaabo inuu baruurta jirka ku keydsan uu gubo, waxay qofka ka cawineysaa inuu miisaankiisa dhimo, inuu dufanka jirkiisa ku jira uu yaraado iyo iney yaraato halista uu macaanka ugu jiri lahaa.

Inkasta oo sokorta dhiigga ku jirta oo yaraata ay keento tabardarro iyo murugo. Waxaadna la kulmeysaa madax xanuun, wareer (dawakhaad), lallabbo iyo neefta aad neefsaneysid oo isbeddel uu ku yimaaddo.

Waxayna inta badan arrimahasi dhacaan marka gaajada ku haysa ay aad u darnaato. Ka taxadar in jirkaaga fuuq bax ku yimaado (3-7 maalmood ee soonka ugu horreysa)

Marka uu jirkaagu billaabo soonka, baruurta jirkaaga ku jirta aya gubaneysa waxayna isu beddeleysaa sokorta dhiigga. Isticmaalka dareeraha waa inaad ku dadaashaa inta aad ku jirto bisha soonka, haddii kale waxaa dhici karto inaad la kulanto fuuq bax oo ay caafimaad darro ku soo wajahdo.
 
Cuntooyinka aad isticmaaleysid xilliga afurka waa iney ahaadaan kuwa ay u dhan yihiin 'cunnooyinka tamarta' iyo xoogaa baruur ah.
Waxaana aad u wanaagsan inaad cuntadaada isku dheellitirtid sida borotiinka, cusbada iyo biyaha.
 
Maalmaha 8-15 ee soonka
 
Marka aad mareysid maalmaha 8-15 aad ee Soonka, waxaad arkeysaa isbeddel wanaagsan oo ku yimaadda jirka maadaamaa uu la qabsanayo Soonka.
Dr Razeen Mahroof, oo ah dhakhtar ku takhasusay dawooyinka suuxdinta iyo daryeelka caafimaadka oo ka shaqeeya Isbitaalka Adden Brooke ee ku yaalla Cambridge, wuxuu sheegay in Soonka uu faa'idooyin kale leeyahay.
 
Waxuu yiri: "Maalmaha caadiga ah ee soonka ka baxsan waxaan isticmaalnaa cuntooyin kaaloori aad u badan leh, taasoo ka hortageyso in jirku uu sida ku habboon u shaqeeyo, balse arrimahaasi oo dhan jirka waa uu saxayaa, wuxuuna awood u yeelanayaa inuu howl maalmeedkiisa caadiga ah uu qabsado."
 
"Marka Soonka wuxuu jirka ka faa'idayaa inuu ka hortago infection jirka ku dhici lahaa," ayuu raaciyey.
 
Sunta oo uu iska saaro - 16-30 ee soonka
 
Shan iyo tobanka dambe ee Ramadaan wuxuu jirka qofka si buuxda ula qabsanayaa marxaladda Soonka. Xiidmaha, beerka, kalliyaha iyo maqaarkaba waxay billaabayaan iney iska saaran sunta ku jirta oo horay ugu uruursaneyd.

"Caafimaad ahaan Soonka marka uu halkaasi marayo xubanaha jirka oo dhan waxay u shaqeeynayaan sida u wanaagsan, waxaana si weyn kor ugu soo kacayo xusuustaada iyo dareemahaaga marka waxaad u baahan tahay inaad qaadatid cunnooyin aad tamar badan ka heleyso." ayuu yiri Dr Mahroof.

Haddaba, Soonku ma u fiican yahay caafimaadka?
 
Dr Mahroof ayaa yiri "Haa soonka caafimaadkeenna wuu u wanaagsan yahay sababtoo  ah wuxuu naga caawinayaa inaan ahmiyadda siinno waxa aan cuneyno iyo xilliga aan cuneyno. Si kastaba ha ahaatee, soonka sanadkii hal bil la soomo waa uu wanaagsn yahay, balse soonka intaa ka dheer qofka lagulama talinayo".
 
"Soonka dheer ee uu qofka hilibka isaga dhimayo waxa aan loo ammaaneyn ayaa waxay tahay, jirkaaga marka uu soonka ku bato wuxuu joojinayaa inuu baruurta u beddelo tamar, wxayna baruurta isu beddeleysaa seedo, taasoon u wanaagsaneyn caafimaadka iyo muuqaalka qofkaba."

Bisha Ramadaan oo aad si sax ah u soonto cunnooyin isku dheelli tiranna aad isticmaasho, waxay qofka u suuragelineysaa inuu jirkiisu uu isku miisaamo tabarta uu maalintii u baahan yahay, miisanka jirkaagana wuu isku dheelli tirmayaa iyada oo wax seeda ahna aysan jirkaadu ka sameeysmin."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM