Waa sidee xaalada Afgooye kadib ismiidaamintii khasaaraha badneyd?

Image

AFGOOYE, Koonfur Galbeed - Qarax ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay duleedka magaalada Afgooye ayaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen shaqaale Turki ah oo ka shaqeynayay dayactirka wadada Afgooye.

Saddex qof oo Soomaali ah oo ay askar ku jiraan ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Turkiga ayaa shegtay in 6 qof oo Turki ah ay weerakaasi ku dhaawacmeen, iyadoo laba ka mid ah uu dhaawacoodu halis yahay.

Al-Shabaab, oo gacansaar la leh shabakadda Al-Qaacida, ayaa sheegatay mas'uuliyadda falkaas.

Mehmet Yılmaz, danjiraha Turkiga ee Muqdisho, ayaa sheegay in weerarkan uusan saameyn doonan taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed iyo dedaaladooda baacsiga argagixisada.

Wasaaradda gaashaandhiga Turkiga, oo cambaareysay dhacdadaas ayaa ku adkeystay "looma dhutin doono, waan sii wadaynaa garab istaaga dadka iyo dowladda Soomaaliya".

Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa ah mid degan, waxaana loo diray ciidamo dheeraad ah oo qorshuhu yahay in ay adkeeyaan nabad-gelyadda shaqaalaha iyo goobaha ku dhow.

Turkiga oo ka howlgalaya Soomaaliya tan iyo 2011-kii kadib macluushii dilaacday ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in mudadaas uu waddanka ku maalgeliyey aduun dhan hal bilyan oo Doolar-ka Mareykanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM