Waan-waan laga dhex-bilaabay guddoonka labada Aqal ee BF

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa ku dhawaaqdey in ay bilowday waan-waan ay isugu soo dhaweyneyso guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay madasha ayaa lagu xusay in hogaankooda uu kulamo la yeeshay dhinacyadda isla markaana ay ku dedaaleyso "siddii ay dib u heshiisiin ugu sameyn lahayd labadda gole".

Dhinacyadda kulanka kasoo muuqdey ayaa kala ah; Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo dhanka Madasha ah.

Sidoo kale, Aqalka Sarre waxaa metelayey Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Senate-ka, iyo ku xigeenkiisa koowaad Abshir Bukhaari.

Golaha Shacabka waxaa ka socday Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, gudoomiyaha, iyo ku xigeenkiisa 1aad, Cabdiwali Ibraahim Muudey.

Labada gole ee waddanka ayaa isku maandhaafsiisan qodobo kala duwan waxaana ugu muhiimsan; xeerarka doorashooyinka soo aadan oo ay ganafka ku dhufteen hogaamiyeyaasha maamuladda.

Cabdi Xaashi oo war qoraal ah soo saarey ayaa sheegay in xeerarka la bedelay isla markaana hanaanka halka dhinac ee Golaha Shacabka ku ansixiyey ay sharci darro ah tahay, ugana digay guddiga doorashadda.

Talaabo uu Mursal "qaraar" ugu bedelay xeerka metelaada gobolka Banaadir ayuu ku sifeeyay "xadgudub" ka dhan ah dastuurka ku meelgaarka ah iyo habraaca xeer-dejinta dalka.

Mursal ayaa talaabadaas u qaadey si xeerka oo la isku haysto uusan ugu gudbin madaxweynaha iyo Aqalka Sarre. Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiga dib u eegista dastuurka ayuu ku wareejiyay.

Xilli Villa Soomaaliya ku fashilantay xalka, is-qabqabsiga labada gole ayaa soo laab-laabtey sanadihii lasoo dhaafay, waxaana ugu wacan guddoonka Aqalka Hoose oo isku koobaya hanaanka xeer-dejinta.

Hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran oo ka faa'iideysanaya fursadda ay dayacday Madaxtooyadda ayaa u muuqanaya kuwa goobaya "dhibco siyaasadeed" iyo in ay ololaha doorashada uga faa'iideystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM