Waanwaan laga dhex-bilaabay Rooble iyo Farmaajo

Image
Labada mas'uul ayaa lagu waramay in ay yeesheen kulankoodii ugu horeeyay tan iyo markii ay isku khilaafeen kiiska Ikraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in waan-waan horudhac ah laga dhex-bilaabay Farmaajo iyo Rooble. Tafaasiishu waxay intaa ku darayaan in ay yeesheen kulankii koowaad.

Ma cadda natiijada kasoo baxdey wadaxaajoodkaas. Ma jiro fahfaahiin xafiisyada labada dhinac la wadaageen saxaafada. Codsiyo uu Garowe Online u diray kama jawaabin.

Labada mas'uul oo is-mari-waaga ka dhex-qarxey uusan ahayn markii koowaad ayaa waxay isku-maan-dhaafeen qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Warbixinada la isla dhex-marayo waxaa qeyb ka ah in madaxweynaha waqtigu ka dhacay iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ay u kala dab-qaadayaan mas'uuliyiin labada daraf si dhow ula shaqeynaysa.

"Farmaajo kahor kulankan wuxuu la kulmay agaasimaha ku meelgaarka ah ee NISA, Bashiir Goobe. Kulankaas wuxuu u muuqan karaa in uu aqbalay magacaabidiisa," ayuu yiri qof si dhow ula socda xaalada.

Hase ahaatee, illo wareedyo kale ayaa intaas ku daray in kulankan ay u badan tahay in looga hadlay arrimo ay kamid tahay in Bashiir Goobe uusan baaqi kusii ahaan kursiga Rooble uu u dhiibay.

Soomaaliya ayaa gashay xiisad siyaasadeed cusub taasoo u muuqata in ay ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo hay'ada sirdoonka sheegtay in Al-Shabaab ay dishay balse qoyskeedu NISA la xiriiriyeen.

Qalalaasahan cusub ayaa si weyn looga cabsi qabaa in uu saameyn fool xun ku yeesho doorashooyinka heer federaal ee ka bilowday waddanka ayna harsan tahay xulista sharci-dejiyeyaasha Golaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM