Waare: Deni iyo Madoobe ayaa dagaal sokeeye ka badbaadiyay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee dowlad-gobolleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo wax laga weydiiyay arrimaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu gil-gilay aas-aaskii dowladnimada ee dalka, isaga oo horay ugu xad-gudbay dastuurka.

Waare ayaa sheegay in Madaxweynaha uu isku koobay awooda marka la eego ficiladiisii hore ee ahaa sida uu ula dhaqmay Ra’iisul Wasaarayaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir iyo kuwa baarlamaanka, markii qarka loo fuulay in dhib dhaco ayaa waxaa intan lagu soo gaaray diidmadii ay kala hortageen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo deegaan doorasho ahaan ay is xigaan madaxweyne Farmaajo.

“Haddii Soomaalidu ay leedahay abaal labada madaxweyne waxaa ay Soomaaliya ka badbaadiyeen dagaallo sokeeye, bal qiyaas sida ay xaaladu noqon laheyd haddii ay la safan lahaayeen madaxweyne Farmaajo”, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Waare ayaa aaminsan in Farmaajo uu kusoo kordhiyay dhaqanka siyaasadda Soomaaliya in la karaamo tiro qofka marka laga adkaado, isaga oo hadalkiisa sii raaciyay in dadka uu karaamo tiraayo ay kamid yihiin kuwo talada dalka la leh madaxweynaha.

Tusaale, ayuu u soo qaatay in madaxweynaha korontada iyo biyaha uu ka xirtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal markii ay dagaallameen, waxaa uu is weydiiyay miisaanka ay siyaasadu ku leedahay “In la iska jarto koronto iyo biyo”.

“Tii ugu dambeysay waxay aheyd Ra’iisul Wasaaraha oo la lugeysiinayo ayaa xafiiska tegay," ayuu yiri Waare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM