Waare: Deni iyo Madoobe ayaa dagaal sokeeye ka badbaadiyay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee dowlad-gobolleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo wax laga weydiiyay arrimaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu gil-gilay aas-aaskii dowladnimada ee dalka, isaga oo horay ugu xad-gudbay dastuurka.

Waare ayaa sheegay in Madaxweynaha uu isku koobay awooda marka la eego ficiladiisii hore ee ahaa sida uu ula dhaqmay Ra’iisul Wasaarayaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir iyo kuwa baarlamaanka, markii qarka loo fuulay in dhib dhaco ayaa waxaa intan lagu soo gaaray diidmadii ay kala hortageen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo deegaan doorasho ahaan ay is xigaan madaxweyne Farmaajo.

“Haddii Soomaalidu ay leedahay abaal labada madaxweyne waxaa ay Soomaaliya ka badbaadiyeen dagaallo sokeeye, bal qiyaas sida ay xaaladu noqon laheyd haddii ay la safan lahaayeen madaxweyne Farmaajo”, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Waare ayaa aaminsan in Farmaajo uu kusoo kordhiyay dhaqanka siyaasadda Soomaaliya in la karaamo tiro qofka marka laga adkaado, isaga oo hadalkiisa sii raaciyay in dadka uu karaamo tiraayo ay kamid yihiin kuwo talada dalka la leh madaxweynaha.

Tusaale, ayuu u soo qaatay in madaxweynaha korontada iyo biyaha uu ka xirtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal markii ay dagaallameen, waxaa uu is weydiiyay miisaanka ay siyaasadu ku leedahay “In la iska jarto koronto iyo biyo”.

“Tii ugu dambeysay waxay aheyd Ra’iisul Wasaaraha oo la lugeysiinayo ayaa xafiiska tegay," ayuu yiri Waare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM