Soomaliya: ​Waare iyo Xaaf oo ka dagay Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Soomaaliya- Madaxda maamullada HirShabeelle  Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa hadda ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, halkaasoo la filayo inuu ka furmo shir looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee waddanka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo dhigiisa Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka oo aad loo soo camiray iyadoo ay ku suganyihiin Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxdan ayaa loo gudbiyay qaybta Nasashada xilli la filayo inuu goordhow soo gaaro Kismayo Madaxweynaha maamul Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Kulanka aya la filayaa inuu maanta ka furmo magaalada Kismaayo iyadoo looga arrinsanayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee waddanka ka jira.

Gogoshan oo ku baaqay Axmed Madoobe waxaa cago jiid ka muujiyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ku baaqday in dib loo dhigo.

Goor sii horaysay Madaxda Jubbaland ayaa sheegtay inaysan baajin doonin kulankan, iyadoo intaas ku dartay in maamulladu ka hadli doonaan wada-shaqayntooda iyo maslaxadda dalka.

Waa kulankii ugu horeeyay ee khaas u ah madaxda maamullada Soomaaliya tan iyo markii 08 Febraayo la doortay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay wajahay cadaadis iyo khilaafyo siyaasadeed gaar ahaan mucaaradad uga imaanaysay maamullada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM