Waare oo madaxda DF u diray digniin ku aadan doorashada soo aadan

Image

JOWHAR, HirShabelle – Maamul goboleedka HirShabelle ayaa war-saxaafadeed kasoo saarey doorashooyinka dalka kusoo fool leh sanadka dambe.

Bayaankan uu ku saxiixan yahay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu soo jeediyey in doorashooyinka ay waqtigooda ku qabsoomaan.

Warka qoraalka ah ayaa looga digay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamuladda in ay sameystaan muddo kororsi.

Sharci doorashooyinka ayuu maamulka Waare ku taliyey in uu noqdo mid waafaqsan Dastuurka qabyadda ah ee dalku leeyahay.

Ugu dambeyntii, qoraalka ayaa waxaa looga digay go'aano uga sii daraya xaaladda "jilicsan ee [Soomaaliya] ay haatan ku sugan tahay".

Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka dambe ayuu qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, wallow ay jiraan aragtiyo meesha ka saaraya arrintaas.

Hadalka maamulka Waare ayaa imaanaya xili uu maanta la kulmay ergayga Qaramada Midoobay, James Swan, oo ay kawada hadleen doorashooyinka.

QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM