Xusuusaha isa-soo-dhiibayaasha Al-Shabaab: "Nolol iyo meel cidlo ah"

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Waayaha dagaalameyaasha Al-Shabaab waa "nolol iyo meel cidlo ah," sidda ay sheegeen xubno kasoo goostay ururka oo kasoo muuqdey dukumiintiri ay baahisay warbaahinta dowlada federaalka Soomaaliya.

Shaqsiyaadkan lagu wareystay barnaamijka oo ku jira Sarandi, xarunta dhaqan-gelinta isa-soo-dhiibeyaasha maleyshiyadda ee Muqdisho, ayaa isugu jira qaar iskood kaga mid noqdey kooxda iyo qaar kale oo lagu qasbay.

Xilli ay si furan uga warameen waaya-aragnimada iyo xasusahooda maalmahoodii argagixisada, Dudaaye iyo Qasaaye ayaa xusay in xubinimadooda ay ku basheen in aan la dhibaateyn waalidkood oo dalabyo culus la hordhigay.

Shuruudahaan oo kala ahaa; iibinta hub, lacag ama dhiibida hal wiil ayaa xoogeystay markii kooxdu weyday cid iskeed uga mid noqoneysa.

"Niyadeyda kuma jirin in aan ku biiro Al-Shabaab, maalin maalmaha kamid ah waxaa hooyadey u yimid nin Al-Shabaab ah wuxuuna yiri; qori keen, lacag keen ama cunug 'jihaadka ku kaalmeysid' keen; hooyadey ma awoodin inta qori gado ama lacag bixiso. Marka waxaa la yiri cunug keen, anigana kuma qanacsaneyn dhibaato darteeda u galay, waxaan ku jiray sideed sano," ayuu yiri Raamoole oo kamida da'yarta lagu wareystay muuqaalkan 30-daqiiqa ah.

Dhamaantooda waxay si mideysan u caddeeyeen soo goosashadooda oo muddo qaadatay ay ka dambeysay markii ay goobjoog u noqdeen dhibaato lagula kacay saaxibkood. Qaar waxaa ku kaliftay markii loo diidey guur.

Inkasta oo dhalinta ku duufsadaan maan-bedelid, waxaa jira dad waaweyn sidda Karaaye oo intii u dhaxeysay 2010-16 la shaqeynayey Al-Shabaab. Ujeedka uu uga mid noqdey waxay ahayd in uu ka macaasho takshiilinta dhalinta.

Niiniile oo kamid ah dhalinyaro dhameystay muddo dhaqan-celinta kana baxeysa xarunta ayaa qiray in lagu marin-habaahiyey Diinta, wuxuuna cod dheer ku tibaaxay in uu ku hungoobay maladiisa ahayd barashada Diinta.

"Xagaas diin ah kuma soo arkin. Nin inta kuu imaado oo ku dhahaya 'Ilaahey ka cabso', isagana kaaga horeeya xumaanta baan ku arkay. 'Ku nabay Nabigana kaaga horeeyay' baan ku arkay. Marka inta imaadey waan isku qiimeeyay jawiga aan ku jiray iyo jawigaas waa nolol iyo meel cidlo ah. Hadii ALLE ka cabsi loo hadlo waa nolol iyo meel cidlo ah," ayuu daboolka ka qaadey Mr Niiniile.

Xarunta Sarandi oo ay maamusho Wasaaradda Amniga Gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya isla markaana faracyo ku kala leh Baydhabo iyo Kismaayo waxaa maalgeliyey dowlado uu Mareykanka ku jiro.

Muddo u dhaxeysa 1 illaa saddex sano ayay ku jiraan dagaalameyaasha goostay, waxaan la baraa Diinta Islaamka iyo Culuumka Aas-aasiga ah sidda Caafimaadka, Qorista Afka Soomaaliga iyo Farsamooyinka Gacanta ah.

Sidda ay warbixinada sheegayaan, tan iyo markii la aas-aasay xaruntaan waxaa ka qalin-jebisaysay saddex kun. Sare u kaca isa soo dhiibeyaasha tan iyo markii madaxweyne Farmaajo cafiska i fidiyey ayaa lagu sheegay 17%.

Iyagoo cuskanaya qaar markii ay kasoo baxeen xarunta dib ula shaqeeyay argagixisada lana xukumay, dadka naqdiya ayaa rumeysan in isa soo dhiibeyaasha qaar aysan daacad ahayn ayna sameysanaa weji ay caasimada ku joogaan.

Ciribtirka argagixisada waxay ahayd layli horyaala dowlad walba oo Soomaaliya ka dhalatay tan iyo markii ay soo shaac-baxeen. Khuburada oo meesha saarey in looga adkaan karo cudad milatari ayaa ku taliyey in lagala diro dhanka fekerka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse oo furay kulan lagu darsayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:50PM

Senator Maryan oo Xasan iyo Xamse ku waanisay “inay qabuuraha ka xishoodan”

Qoraal ay ku daabacdey baraha bulshadda ayay aad uga faallootey mawduucka boobka dhulalka ee soo badanaya.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 01:09PM