Waaya-aragnimada Soomaalida eheladooda u dhinteen Coronavirus

Image

LONDON, UK – Todobaadyadii lasoo dhaafay wararka ka imaanayey qaarada Yurub ee la xiriiray Coronavirus waxay ahaayeen kuwa naxdinta leh. Tobanaan kamid ah jaaliyadaha Soomaalida ayaa u geeriyooday cudurkaas.

Dalka Sweden ayaa ahaa meesha ay kasoo yeertay qaylo-dhaanta ugu daran. Ingiriiska gaar ahaan caasimada London ayaa sidoo kale wehlisa, halkaasoo Soomaali badan ay ugu geeriyoodeen.

Macluumaadyo horudhac ah ayaa muujinaya in tirada dhimashada ay kor-u-dhaafeyso 40 qof; waxaa ku jira dadkaas ra'iisul wasaarihii dowladdii ku meelgaarka Nuur Xasan Xuseen [Cadde].

Sababta badisay dhimashada Soomaalida ayaa lagu sheegaa; dhaqankooda oo ah in wada sheekeysiga wadarta ah, bukaanka oo aan laga fogaan iyo in aysan u hogaan-samin talaabooyinka caafimaad.

Hadaba, maxay tahay waaya-aragnimada ay dhaxleen dadka uu ehelkooda dilay caabuqaas? Barnaamijka Galka Baarista ee Laanta Af Soomaaliga VOA-da ayaa la hadlay Soomaalida uu sameeyay xanuunka.

Joojinta booqashada

Xamsa, oo aabihii Axmed Caraay Axmed uu cudurku soo ritay 17-kii Maaj uguna dhintay afar maalmood kadib caasimada Sweden, ayaa ku waaniyey Soomaalida in ay raacaan talooyinka caafimaad.

Axmed, oo ahaa qof da'a ah, ayaa lagu arkay xuumad daran; dhakhaatiirta waxay u sheegeen qoyskiisa in ay guriga ku hayaan maadaama aysan Isbitaalka ka heli karin adeegyo badan.

"Annaga hadii aan nahay Soomaali waxaan nahay bulsho wadar ah ma nihin shaqsi-shaqsi, marka taas waxay keeneysaa hadii qof uu yiraahdo Hergab ayaa i haayo dadka daciifka ah halkaas ayay ka qaadayaan; marka waxa kaliya oo aan dhihi lahaa waxay tahay; kow in aan raacno talooyinka caafimaad, culeys badan wuu imaanayaa oo ay kamid tahay waalidka oo raba in mar walba la booqdo, waxaa loo baahan yahay in aad ka dhaadhicisid oo aad u sheegtid; laakiin intii aad adiga caafimaad qabtid, waalidkaagana uu caafimaad qabo, banaanka hala joogo," ayuu Xamza ku jawaabay markii la waydiiyey fariinta uu u dirayo Soomaalida ka walaacsan ama uu ehelkooda haleelay cudurka.

Ha taaban meydka

Xasan Maxamuud Cumar, 80-jir uu xanuunka ku qaadey caasimada Sweden ayaa geeriyooday 16-kii Maaj, laba maalmood kadib markii uu soo ritay, balse dhakhaatiirtu waxay ku dedaalaan in ay badbaadiyaan.

Xubin ka tirsan ehelkiisa, Mukhtaar Maxamed Yuusuf, ayaa xoojiyey aragtida uu soo jeediyey Xamza, wallow uu ku kordhiyey in aan la taaban meydka.

"Waaya-aragnimada ugu horeysay ee aan u soo jeedinayo waxay tahay in ay la fal-galaan talooyinka caafimaad oo ay kamid tahay in aysan taaban meydka, isu imaatinka badan in la yareeyo, laakiin way fiican tahay booqashada in lasoo koobo laba ama saddex," ayuu tibaaxay.

Inkastoo la tilmaamay in dadka da'a ah ay u nuqul yihiin fayruska, kiis dhimasho ah oo waxaa jira shaqsiyaad dhalinyaro ah ama da'da dhex-dhexaad ah ku jira sidda; Cumar Muriidi Macow, oo 36-jir ahaa.

Aaska/Duugta

Macow ayuu Covid-19 ku galaaftay caasimada Ingiriiska. Qoyskiisa aad bey uga naxeen dhimashadiisa, sidda uu ka dhawaajiyey Maxamed Mukhtaar Beeley, oo uu walaashiis qabay, Seedigiis.

Xili uu ifka kaga tegay shan caruur ah; saddex gabdho iyo laba wiil, 27-kii Maaj ayuu dhintay iyaddoo uu cudurku hayey kaliya laba maalin.

"Wiilkaaga makuu imaan karo, meydkiisa ma taaban kartid, wax xanuun badan waaye, waxaan cudur maahan, Ilaahey ha naga koriyo," ayuu Beeley carabka ku dhuftay, isagoo sharaxaad ka bixinaya saameynta.

Marka laga soo tago in ay isla qireen ahmiyadda ay leedahay in la taco talooyinka caafimaad, Soomaalida ee ehelkooda uu dilay Corona ayaa xaqiijiyey in la aasey meydka, wallow ay yareyd tirada ka qeybgaleyaasha duugta.

Maadaama aan wali loo helin daawo, khuburada ayaa ka digaya in dadka u qaataan in cudurka uu jirayo todobaadyo, taas bedelkeeda waxay ku baaqaan in la xoojiyo; nadaafada, kala fogaanshiyaha iyo guriga oo la joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM