Wabiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Buuloburde

Image

BUULOBURDE, Soomaaliya - Wabiga Shabeelle ee dhexmara degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

Xafadaha Bogabeyso, Indhaceel, Wadajir iyo Xajibuube ayuu karkaarada ka jabsaday Wabiga oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waday Biyo aad u farabadan, waxaana laga cabsi qabaa inuu fatahaad hor leh uu ka sameeyo xafadaha Hanti-wadaag iyo October oo aan waligod biyo gaarin.

Buundada ayaa halis ugu jirto in ay go’do maadaama Biyaha buux dhaafiyeen, waxaana shacabaka ay isticmaalayaan Doomama Matoorka ah.

Waxaa sidoo kale la warinaya in gudaha magaalada uu ka bilowday barakac aad u baahsan oo ay sameynayaan dadka deegaaanka, kuwaas oo deegaansanaya dhulka taagga ah si ay fataahada uga badbaadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM