Wada-hadalka Galmudug iyo Ahlu Sunna oo dib u dhacay

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa dib u dhac uu ku yimid Wada-hadalka Galmudug iyo Ahlu Sunna oo la filayay inuu maanta oo Arbaco ah ka furmo magaalada Muqdishu, ee caasumada dalka Somalia.

Wararka warsidaha GO uu helayo ayaa sheegaya in sababta keentay dib u dhaca ay la xiriirto Madaxda dowladda Federaalka oo ku mashquulsanaa xuska sanad-guurada 57-aad, ee aas-aaska ciidamada xoogga.

Waxaa kaloo baaqashada loo sababeynayaa wafdiga Ahlu Sunna uga qeybgalayo Wada-hadalka oo aan wali soo gaarin Muqdishu, balse la filayo inay yimaadaan caasumadda saacadaha soo socda.

Shirka ayaa la qorsheynayaa inuu furmo maalinta Berri ah.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey iyo Guddoomiyaha Barkamaanka maamulkaasi Cali Gacal Casir ayaa ku sugan Muqdishu, waxayna heshiis la geli doonaan ururka Ahlu Sunna.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa ka shaqeynaysa sidii ay heshiis u gaari lahaayeen Ahlu Sunna iyo Galmudug kahor doorashada madaxweynaha oo lagu wado inay ka dhacdo Cadaado 30-ka bishan April.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM