Wada-hadallada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Muqdishu ka furmaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa Maanta oo Talaado ah la filayaa in magaalada Muqdishu uu ka furmo Wada-hadallada u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna, kaasi oo garwadeen ka tahay dowladda Federaalka Somalia.

Shirkan oo ay ka qeyb-galaya Wasiirrada Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo Dibadda Yuusuf Garaad Cumar, oo xalay Ra'iisal wasaare Kheyre u magacaabay inay dhex-dhexaadiyaan labada dhinac.

Waxaa ku sugan Muqdishu wafuud ka kala socoto Galmudug iyo Ahlu Sunna, oo ka qeyb-galayo Shirka mideynta maamullada iska soo horjeeda ee ku kala sugan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusaareeb.

Dowladda dhexe ayaa ku dadaalaysa inay ka miro dhaliso wada-hadalkan ka hor doorashada la filayo inay Galmudug ka dhacdo 30 bishan.

Labada dhinac ayaa horay u sheegay inay diyaar u yihiin wada-xaajood iyo inay miiska dushiisa ku xalliyaan wixii kala aragti duwanaan ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM