Wadaad lagu eedeeyay "faafinta fikirka Al-Shabaab" oo la xiray

Image
Sheekh Mustafa Cali Caanood ayaa la dhashay afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xabsi dhigay Sheekh Mustafa Cali Caanood, sidda ay Isniinta maanta ah sheegtay Wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadda federaalka ah.

Sida ku xusan war-saxaafadeedka, qabashada Caanood ayaa la xiriirta markii uu kasoo muuqdey masjid ku yaalla degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho "isaga oo u sacabo-tumayo fikirka Al-Shabaab.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, ciidamada fuliyey howlgalka lagu soo qabtey Caanood ayaa waxaa fuliyey cutubyo ka tirsan hay'adda sirdoonka qaranka.

"Dawladda Soomaaliya waxeey mar kale ku celinaysaa in ay mamnuuc tahay nooc kasta oo ah faafinta iyo dhiirigalinta afkaaraha qalafsan ee Khawaarijta, afkaarahaas oo inta badan loo adeegsadey in lagu laayoboqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaa kale oo reeban nooc kasta oo ah la macaamil iyo gacansiinta Khawaarijta naf la caariga ah.
Dawladdu waxay uga mahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta".

"Mustafa Caanood ayaa ah shakhsi caadaystay faafinta fikirka Khawaarijta, waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Wadaadkan oo wajahaya su'aallo waydiin lana filayo in maxkamad lasoo taago bilooyinka soo aadan ayaa la sheegay in uu la dhashay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Caanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM

UK iyo Maraykanka oo Ka Digay Jabsi Ka Dhacay Nidaamka E-Visa-ha Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin faahfaahinta jabsiga ama tallaabooyinka la qaadayo.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 11:20AM