Wadada loo marayo doorashada Kuraasta ka banaan BFS

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay xilli la qabanayo araajida Musharaxiinta saddex kursi oo ka banaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka dalka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Gudiga oo ku saxiixan gudoomiye Xaliima Yareey, ayaa lagu shaaciyay in 25-ka bishan August ay billaabaneyso qabashada warqadaha musharaxiinta, eyna ku egtahay 30-ka isla bishan, iyadoo uu socon doono mudo 5 maalmood.

Gudiga ma uusan shaacin xiliga la qabnayo doorashada kuraasta ay banneeyeen Xildhibaanada, Xuseen Cismaan Xuseen, oo noqday Taliyaha NISA, Khaliif Sheekh Cabdullaahi Dheere oo geeriyoodey iyo Cabdulqaadir Gaafow Maxamuud, oo is-casilay.

Xildhibaan kasta waxaa lagu soo dooran doonaan degaan doorashadiisa; Kuraasta Xuseen Cismaan iyo Cabdullaahi Dheere waxay ka dhici doontaa doorashadooda Baydhabo, halka midka Cabdulqaadir Gaafow lagu qabanayo Cadaado.

Odayaasha dhaqan Beelaha loo qoondeeyay kuraastan ayaa lagu wargeliyay inay mudo 7 maalmood ah kusoo gudbiyaan Liiska 51-da Ergo-doorasho, laga billaabo 19-ka bishan, kuna eg 25-ka Augusta, sida ku xusan qoraalka.

Doorashadii hore ee Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ayaa hareeyay musuq-maasuq, cod-gadasho iyo luuluush bixin, taasoo keentay in kuraas badan dib la laalay doorashadooda, maadaama wado hareer marsan dastuurka loo maray.

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM