Wadahadalada Dhuusamareeb oo galay maalintii labaad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wadahadalada caasimadda Galmudug uga socda madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadda ayna xalka ugu raadinayaan is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka ayaa galay maalintii labaad.

Shirkaan waxaa dowladda federaalka ku metelaya madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble, halka maamuladda ay u joogaan madaxweyneyaasha – Saciid Cabdullaahi Deni [Puntland], Axmed Maxamed Islaam [Jubaland], Cabdicasiis Laftagareen [Koonfur Galbeed], Axmed Cabdi Kaariye [Galmudug] iyo Cali Guudlaawe [HirShabelle].

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], ayaa u jooga Dhuusamareeb qodobka lagu muransan-yahay ee 13-ka kursi ee gobolka Banaadir uu si sharci darro ah ugu saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Inkasta oo qodobkaan uusan kamid ahayn ajandaha, haddana dadka qaar ayaa aaminsan in Farmaajo uu doonayo in uu gorgortan ku galo si wada ogol looga gaaro qodobada qaar la isku hayo.

Wadahadalada oo shalay bilowday ayaa lagu waramay in madaxda ay is-faham ka gaareen qodobka ku saabsan xulista wakiilada Somaliland ayna isla meeldhigeen in afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed, ay kasoo heshiiyaan isla markaana ay warbixin kusoo celiyaan madaxda shirsan.

Labada qodob kale ee harsan waa guddiyada lagu muransan yahay ee xukuumadda magacowdey iyo ciidamadda ay dowladda ku daabushay gobolka Gedo kuwaas oo Jubaland ay shuruud uga digtay in dib loogu celiyo Muqdisho si doorashadda u dhacdo.

Guddiyadda lagu muransan yahay waxaa dood ka keenay maamuladda qaar iyo musharaxiinta kuwaas oo sheegay in ay ku jiraan taageereyaasha Villa Soomaaliya, saraakiil sirdoon iyo shaqaale dowladeed, waxaana ay codsadeen in meesha laga saaro.

Fashil kasta oo ku yimaadda wadahadalkan ayaa xoojinaya faragelin ay Beesha Caalamka ku sameyso is-mari-waaga taas oo dharbaaxo ku noqoneysa riyada Farmaajo ee ku aadan in uu naqshadeysto soo laabashadiisa.

Wadahadalada Dhuusamareeb ayaa qabsoomaya iyadda oo muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay afar maalmood oo qura isla markaana uu doonayo in kadib shirkaan uu la hadlo xubnaha baarlamaanka federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM