Wadahadalada doorashooyinka oo ka bilowday Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Garowe Online ayaa fahansan in madaxda ka arrinsaneyso diyaarinta habraaca doorashada Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ka furmay Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afasiyooni oo ah xarunta ciidamadda cirka Soomaaliyeed ee magaala madaxda.

Madaxwayneyaasha shanta maamul goboleed ee waddanka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Filish] ayaa kasoo muuqdey wadahadaladda.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoominaya wadaxaajoodyadan oo kalkii hore qorshuhu ahaa in ay ka bilowdaan caasimadda Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xukuumadda xilgaarsiinta, wadahadaladan ayaa diiradda waxaa lagu saarayaa sidii loo dardargelin lahaa howlaha ka haray doorashooyinka dalka uu galay.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in ajandaha ay qeyb ka tahay "diyaarinta habraacyada doorashada  Golaha Shacabka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday".

Garowe Online ayaa fahansan in suurtagal ay tahay in madaxda isbedel ku sameeyaan heshiiskii 17-kii September, 2021 gaar ahaan degaan doorashadda iyo tiradda dooraneysa Xildhibaanadda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah wadahadalo taxano ah oo bilooyinkii u dambeeyay ay madaxda Soomaalida ka yeesheen coddeynta heer federaal oo qorshuhu ahaa in ay dalka ka dhacdo sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM