Wadamada Islaamka oo ka dhiidhiyey xadgudubyada ka dhanka ah Soomaaliya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shirka lagu cambaareeyay Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay Khamiista kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ay ugu gogol-xaarayaan Meertada 15aad ee Shir madaxeedka Islaamka oo ay martigelinayso Caasimadda Gambia ee Banjul, waxaana kulanka heer Wasiir uu socday intii u dhexeysay 2-3 May, isaga oo huwan hal-ku-dhigga (Xoojinta midnimada iyo is-garab-taagga, iyadoo loo marayo wadahadal ku suntan horumar waara).

Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirka oo qabsoomay shalay oo Khamiis ahayd iyo maanta oo Jimce ah, waxaana looga dooday warbixinta iyo war-murtiyeedka shir-madaxeedka ka soo bixi doona oo ay isla oggolaan doonaan hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah Ururka.

Shir-madaxeedka la filayo inuu furmo beri oo Sabti ah ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka si gaar ah arrinta Falastiin.

Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxa ay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani'aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.
Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada nacaybka, islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka iyo sidoo kale arrimaha isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cuntada.

Shir-madaxeedka ayaa lagu soo xiri doonaa war-murtiyeed koobaya mowqifka Ururka ee arrimaha lagu fallanqeeyay shirka oo ay ku jirto taageerro sugan oo loo muujiyo midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, iyo dadaalka ka dhanka ah argagaxisada. War-murtiyeedka ayaa si adag ugu gacan-sayraya tallaabo weliba oo meel ka dhac ku ah qarannimada dhuleed, bad iyo cir ee Soomaaliya, sida heshiiska is-afgarad ee sharci-darada ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya ee loo yaqaan magaca "Somaliland".

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa waxa uu adkaynayaa muhiimadda ay leedahay taageerro agab iyo mid farsamo oo loo fidiyo hey'adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ka-hortagidda caqabadaha oo ay ugu horrayso abaaraha oo halis ba'an ku ah sugnaanshaha cunto ee Soomaaliya. War-murtiyeedka ayaa lagu taageerray musharraxa Soomaaliya, Marwo Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadam, ee xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, muddo xileedka (2025-2028). Waxaa war-murtiyeedka sidoo kale lagu xusay qodobo ka hadlaya arrinta Falastiin, Magaalada xurmadda leh ee Qudus iyo Baaqa Banjul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM