​Waddooyinka Muqdishu oo dib loo furay

Image

MUQDISHU, Somalia- Isu-socodka dadweynaha iyo gaadiidka ayaa si caadi ah kusoo noqotay kadib dhowr maalmood oo ay saarnayd xanibaad ku aadanayd doorashada Madaxweynaha ee shalay dhacday.

Shacabka Muqdishu ayaa bandowgaas xalay jabiyay kadib markii ay waddooyinka isugu soo baxeen iyagoo dhigayay mudaharaadyo lagu taageerayo Farmaajo oo noqday Madaxweynaha Somalia.

Magaalada ayaa saaka ganacsigeedu kusoo noqday sidii hore iyadoo sidoo kale ay shaqaynayaan gaadiidka isaga kala dhex-goosha caasumadda Somalia.

Furitaanka waddooyinkan kama hadlin maamulka gobolka Banaadir oo horay usoo rogay in la xayiro.

Balse Guddoomiyaha Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa bulshada uga cudur-daaray xanibaadii la saaray, wuxuuna ugu laab-qaboojiyay in laga shaqaynayay sidii dalka loogu doori lahaa Madaxweyne Rasmi ah.

Todobaadkan dhexdiisa ayaa la xiray waddooyinka magaalada Muqdishu iyadoo laga cabsi qabay weeraro kooxda Al Shabaab fuliso inta lagu jiro doorashada.

Dowladda hoose ee magaalada Muqdishu ayaa ku howlan sidii ay furi lahayd goobo lagu gooyay ciid iyo dhagxaan waddooyinka caasumadda Somalia.

Hadal haynta ugu badan ee caasumadda dalka ayaa saaka ah doorashada Madaxweyne Farmaajo taasoo aad loogasoo dhaweeyay dhammaan gobollada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM