Wadooyinka muhiimka Muqdisho oo la xiray iyo ciidamo lagu daadiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar kamida wadooyinka halbowlaha ah ee ku yaalla caasimadda dalka, Muqdisho.

Ciidamada Goofi-Gaduudka ee Illaalada ka ah Villa Soomaaliya iyo booliska ayaa lagu daadiyay wadooyinka, gaar ahaan Ex-Koontarool Afgooye, Isgoysyada Isgoyska Banaadir, Digfeer, Zoobe, KM-4, Taleex iyo Jidka Makka Al-Mukarama.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diiday inay isticmaalaan wadooyinka, iyadoo shacabka ay maanta lugtooda maalayaan, si ay u gaaraan goobahooda shaqada, Isbitaallada iyo xarumaha Waxbarashada.

Mas'uuliyiinta laamaha amniga wali kama aysan hadlin sababta jidadka loo xiray, balse warar ayaa sheegay in Madaxda sare ee dowladda ay dhagax-dhigayaan mashruuc lagu dhisayo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, oo Qadar ay maalgelinayso.

Dowladda Qadar ayaa November 2017 ugu yaboohday Soomaaliya 200 Milyan oo Dolar Dhismaha Jidadka Muqdisho ku xira Jowhar iyo Afgooye, Goobaaha danta guud iyo Waxbarashada.

Balse, mashaariicdan horumarineed ayaa ah kuwa ku kooban magaaladda Muqdisho iyo nawaaxigeeda, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya liiska ku daray qeybaha kale ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM