Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo booqanaya Kismaayo

Image

KISMAYO- Wafdi ka socda beesha caalamka ayaa maanta 17/12/2019 ku wajahan Kismayo, magaalo madaxda KMG ee Jubaland, halkaas kula kulmi doonaan Madaxweyne Axmad Madoobe.

Wafdigaan oo uu hogaaminayo Wakiilka  qaramada midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxaa kamid ah Wakiilka midowga Yurub.

Warar warsidaha Garowe Online heley ayaa sheegaya in qorshaha Wafdigaan yahay in maamulka Jubaland kala hadlaan arimaha la isku khilaafsan yahay ee doorashooyinka la filayey in dalka Soomaaliya laga qabto sanadka soo socda, arimaha deyn cafinta, dhameystirka Dastuurka iyo amniga.

Booqashadaan oo noqoneysa midii ugu horeysay tan iyo intii xilka markale loo doortey Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa ku soo beegmeysa iyadoo heerkii ugu hooseysey mareyso xiriirka u dhexeeya Maamulka Jubaland iyo Federaalka.

Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa maalmihii la soo dhaafey ku eedeeyey Dowlada Federaalka faraglin ku aadan arimaha gudaha ee maamulkaas gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada ka socda gobolka Gedo kuwaas oo uu ku lug leedahay dalka Itoobiya.

Beesha caalamka ayaa ka welwelsan khilaafka baahaya ee u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka oo gashey sanadkii ugu dambeeyey muddo xileedkeeda.

Barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala xeer looga doodayo nooca doorasho ee dalka Soomaaliya aadi garo sanadka soo socda taasoo kala qaybiysay Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM