Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa goor dhoweyd lagu soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan oo ay hogaaminayeen guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cabdullahi Timacade iyo wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Jaamac Khaliif ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee Soomaaliya.

Ujeedada koobaad ee wafdigan Laascaanood ku tageen ayaa la sheegay in ay ahayd sidii ay wadahadal ula yeelan lahaayeen maamulka SSC-Khaatumo iyo odayaasha dhaqanka deegaanka. Wada-hadalladan ayaa ku saabsan xaaladda magaalada oo lagala wareegay maamulka Somaliland.

Weftigu ayaa sidoo kale soo indhindheeyay xaafadaha Laascaanood oo ay gaareen burbur xooggan oo ka dhashay duqeymo ay ciidamada Somaliland ku garaaceen bilihii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM