Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Libya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

TRIPOLI, Libya - Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa gaarey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya, si ay ugu kuur-galaan xaaladda muhaajiriinta Soomaaliya ee ku xiran dalkaasi.

Xubnaha Wafdiga waxaa kamid Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub, Dr Cali Saciid Fiqi, gudoomiyaha Gudiga Qaxootiga iyo Barakaciyaasha Axmed Daahir Cabdikariim iyo mas'uuliyiin kale.

Waxa ku sugan yihiin Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli, iyagoo halkaasi u tagey sidii ay u caawin lahaayeen Soomaalida tahriibka u tagey Libya ee doonaya inay dib ugu soo laabtaan dalka.

Libya hadda kama jirto dowlad awood leh, waxaana ku xoog badan malleeshiyaad iska soo horjeeda, waxaana lagu dhibaateeyaa muhaajiriinta ka tagey Africa inteeda kale ee doonaya inay gaaraan Yurub.

Dhalinyarada Soomaalida ayaa markii ay tagana Libya la kulma xariga iyo Jirdil ay u geestaan Kooxda "Magefe" oo xiriir la leh shabakadaha dadka tahriibiya, waxayna ka qaataan lacago madax furasho ah.

Safaaradda Soomaaliya ee Libya ayaa lagu eedeeyay inay howsheedii qabtey, oo indhaha ka laabatey wax ka qabashada tacadiyada joogtada noqday ee muwaadiniinta Soomaaliya loogu geesto dalkaasi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM