Wafdi ka socda Kenya oo dib u dhigay safar uu ku imaan lahaa Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Monica Juma ayaa dib u dhigtay safar ay ku imaan lahayd Soomaaliya, si ay u xaliso khilaafka diblomaasiyaasadeed ee labada dal ka dhex taagan.

Dib u dhaca ayaa yimid kadib markii Guddiga difaaca iyo xiriirka dibadda ee Baarlamaanka Kenya uu u yeeray Monica Juma, si su'aallo looga waydiiyo waxa keenay inay u yeerto safiirkeeda Soomaaliya.

Wasiir ayaa hortageysa Guddiga maanta oo Talaado ah, waxayna warbixin ka siin doontaa xiriirka xumaadey ee Kenya iyo Soomaaliya, kaaso oo salka ku haya muranka xuduuda badda labada dal.

Katoo Metito oo ah gudoomiyaha Guddiga difaaca iyo Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in Xildhibaanada ay doonayaan inay wax ka ogaadaan xaaladda cakarin iyo qorshooyinka uga degsan dowladda.

"Waxaan dooneynaa inaan helno warbixin fahfaahsan oo ku saabsan waxay keenay xiisadda diblomaasiyaasadeed iyo sida ay doonayso dowladda Kenya inay u wajahdo," ayuu yiri Katoo.

Xukuumadda Nairobi ayaa sabtidii lasoo dhaafay ugu yeertay wadatashi safiirkii u fadhiyay Muqdisho, Lucas Tumbo, iyadoo ka dalbatay Safiirka Soomaaliya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan inuu ku laabto dalkiisa.

Kenya ayaa tallaabadan uga jawaabeysay xad-gudub ay sheegtay inay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku sameysay kheyraadkeeda dabiiciga ah, kadib markii Shirkii London ay ku xaraashtay Bloc-yo shidaal uu ku jira xuduuda badeeda labada dowladooda ku muransan yihiin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartey ku beenisay inay iibisay xirmooyin shidaal oo Kenya ay leedahay, waxayna wax laga xumaado ka tilmaantay tallaabadii lagu soo eryay Tarsan.

Labada dal ayaa dacwad ku aadan muranka badda waxa uu ka yaalla Maxkamadda caalamiga ee Cadaaladda [ICJ], taasi oo dowladda Federaalka u gudbisay 4 sano kahor, waxaana laga sugayaa Maxkamadda inay go'aan ka gaarto kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM