Wafdi ka socda Kenya oo dib u dhigay safar uu ku imaan lahaa Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Monica Juma ayaa dib u dhigtay safar ay ku imaan lahayd Soomaaliya, si ay u xaliso khilaafka diblomaasiyaasadeed ee labada dal ka dhex taagan.

Dib u dhaca ayaa yimid kadib markii Guddiga difaaca iyo xiriirka dibadda ee Baarlamaanka Kenya uu u yeeray Monica Juma, si su'aallo looga waydiiyo waxa keenay inay u yeerto safiirkeeda Soomaaliya.

Wasiir ayaa hortageysa Guddiga maanta oo Talaado ah, waxayna warbixin ka siin doontaa xiriirka xumaadey ee Kenya iyo Soomaaliya, kaaso oo salka ku haya muranka xuduuda badda labada dal.

Katoo Metito oo ah gudoomiyaha Guddiga difaaca iyo Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in Xildhibaanada ay doonayaan inay wax ka ogaadaan xaaladda cakarin iyo qorshooyinka uga degsan dowladda.

"Waxaan dooneynaa inaan helno warbixin fahfaahsan oo ku saabsan waxay keenay xiisadda diblomaasiyaasadeed iyo sida ay doonayso dowladda Kenya inay u wajahdo," ayuu yiri Katoo.

Xukuumadda Nairobi ayaa sabtidii lasoo dhaafay ugu yeertay wadatashi safiirkii u fadhiyay Muqdisho, Lucas Tumbo, iyadoo ka dalbatay Safiirka Soomaaliya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan inuu ku laabto dalkiisa.

Kenya ayaa tallaabadan uga jawaabeysay xad-gudub ay sheegtay inay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku sameysay kheyraadkeeda dabiiciga ah, kadib markii Shirkii London ay ku xaraashtay Bloc-yo shidaal uu ku jira xuduuda badeeda labada dowladooda ku muransan yihiin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartey ku beenisay inay iibisay xirmooyin shidaal oo Kenya ay leedahay, waxayna wax laga xumaado ka tilmaantay tallaabadii lagu soo eryay Tarsan.

Labada dal ayaa dacwad ku aadan muranka badda waxa uu ka yaalla Maxkamadda caalamiga ee Cadaaladda [ICJ], taasi oo dowladda Federaalka u gudbisay 4 sano kahor, waxaana laga sugayaa Maxkamadda inay go'aan ka gaarto kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM