Wafdi ka socda Midowga Africa oo gaarey Beledweyne

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Wafdi ka socda Ururka Midowga Africa oo 27 xubnood ka kooban, ayaa maanta oo Talaado ah gaarey magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan, bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo mas'uuliyiin kale ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay wafdigan, oo uu hogaaminayo Wakiilka Midowga Africa, Francisco Madeira.

Ujeedka socdaalka Wafdiga ayaa la xiriirta ka qeybgalka shir amniga degaanada HirShabeelle looga hadlayo oo ka furmaya magaalada Beledweyne, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan.

Wafdiga Gollaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa ayaa u yimid Soomaaliya qiimeyn iyo u kuur-galid inuu ku sameeyo xaaladda amniga ee dalka iyo qorshaha AMISOM ay ms'uuliyadda amaanka ay ugu wareejinayso ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxa uu Wafdiga booqday Baydhabo, oo uu kula soo kulmay madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed iyo musharaxiinta doorashada Koonfur Galbeed, oo ay kala hadleen arrimaha amaanka.

Midowga Africa ayaa ka fekeraya xaaladda amni ee Soomaaliya kadib ka bixitaanka AMISOM, maadama ay khatarta Al-Shabaab ay wali jirto, islamarkaana ay dhul ballaaran gacanta ku haysa, iyadoo weerar halis ah k fulisa qeybaha dalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM