​Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal Wasaare Khayre oo gaaray Addis Ababa

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Ra’isal wasaaraha Dalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa goordhaweyda gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Ethiopia iyagoo ka qayb galaya shirka Madaxda IGAD ka yeelanayaa xaaladda Suudaan-ta Koonfureed.

Soo dhaweyn diiran ayaa loogu sameeyay garoonka caalamiga ah ee Bole International Air Port, halkaasoo ay ku qaabileen xubno katirsan dowladda.

Todobaadkii hore ayaa Guddoomiyaha urur goboleedka IGAD  Hailemariam Desalegn ku baaqay shir aan caadi ahayn oo xal loogu raadinayo cooladda South Sudan iyo xaaladda Bini Aadanimo ee ka jira waddankaas.

Booqashada Khayre ayaa kusoo aaday xilli xaalad adag ay ka jirto waddanka Somalia gaar ahaan saamaynta xasaradda siyaasadeed ee dalalka Khaliijka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa uu la kulmi doona Madaxda IGAD ee shirka ka qeyb gali doonta.

Khayre ayaa la filayaa inuu wadamadaas kala hadlo xaaladda waddanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM