Walaac ka dhashay Xamse oo fagaareyaasha laga waayay shan asbuuc

Image
Ra’iisul Wasaarada Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay kasoo muuqdey bandhig ka dhacay Xalane 28-kii Janaayo, 2024.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Caro Barre, ayaa fagaareyaasha laga la'yahay muddo dheer oo shan toddobaad ah.

Sababaha ka dambeeya maqnaanshiyahan ayaan wali si dhab ah loo ogayn waxaana soo baxaya warar kala duwan.

Warbixinada qaarkood ayaa sheegaya inuu dibadda ku maqan yahay halka kuwa kale tibaaxayaan inuu ku jiro fasax sanadeedkiisa.

Maqnaanshiyaha Xamse ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay hadalheyn ka dhalisay guud ahaan baraha bulshadda.

Siyaasiyiin ay kamid yihiin Xildhibaano ayaa bilaabay in ay walaac ka muujiyaan. Xildhibaan Saciid Cali Fiqi ayaa kamid ah.

"Waqtigab oo kale oo ay jirto hubanti  la’aanta, waxa lama huraan ah in aynu ka fiirsi fiican ka yeelano arrinkan, isla markaana aynu u soo dhawayno, iyada oo aan loo eegin ujeeddada ku kaliftay in uu ka tago xilka uu hayo," ayuu kusoo qoray bartiisa X (Twitter).

Wuxuu raaciyay hadalkiisa: "Waxaan rajeyneynaa in uu dib u soo laabto oo uu si degdeg ah u bilaabo shaqadiisa Ra’iisul Wasaaraha, isagoo gudanaya waajibaadka ka saaran qaranka".

Sikastaba, markii ugu dambeysay ee Xamse uu fagaare kasoo muuqdey ayaa ahayd 28-kii Janaayo 2024 markii uu xaflad uga qeybgalay Xalane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM