Walaac laga muujiyey hub kusoo wajahan Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Murashaxiinta madaxtinimada doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 ayaa walwal culus waxay ka muujiyeen hub ay sheegeen in Turkiga u soo wado dowlada Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Murashaxiinta ayaa lagu sheegay in hubkaas uu kusoo hagaagay mar-xalad xasaasi ah oo waddanka isku diyaarinayo doorashooyin aan wali lagu heshiin hanaanka wadanka ugu dareerayo.

"Madasha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay hub iyo saanad milateri oo dowladda Turkiga qorsheyneyso in ay u soo gaarsiiso qeybta Haramcad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waqtigan xasaasiga ah, Goluhu wuxuu ogaaday in diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo TUAF767 lagu wado inay magaalada Muqdisho keento 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabadood inta u dhexeysa 16 ilaa 18 December 2020," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Golohu wuxuu garwaaqsanyahay ahmiyada tababarka iyo kor u qaadista ay u leeyihiin laamaha amaanka ee Soomaaliya, hadana golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada".

"Madaxweyne Farmaajo wuxuu horey ugu adeegsaday ciidamada Haramcad xoog ku muquunin iyo ku shubasho doorashooyinka gobolada, sidaa darteedna shaki kuma jiro in isla ciidamadan Haramcad iyo hubka ka imaanaya Turkiga loo adeegsan doono afduubka doorashooyinka soo socda. Sababtaas awgeed, Goluhu wuxuu ka codsanayaa dowladda Turkiga inay dib u dhigto waqtiga keenista hubka aan soo sheegnay illaa laga gaarayo doorashada 2020/21. Waxaan ku rajo weynahay in aad naga aqbali doontid codsigan tixgelin na doontid," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee Murashaxiinta.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaan wali ka jawaabin dhawaqa kasoo yeeray Murashaxiinta oo isugu jira madaxweyneyaal hore, ra'iisul wasaare iyo siyaasiyiin kale oo jagooyin kala duwan kasoo qabtay waddanka.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sanadihii ugu dambeeyay xoojiyey galaangalkooda Soomaaliya si gaar ah maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, tababarida ciidamadda iyo ku dhex-milanka siyaasadda dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Murashaxiinta

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM