Walaac laga muujiyey kaamirooyinka lagu xiray jidadka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar ka tirsan xubnaha mucaaradka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey kaamirooyinka cusub ee dowladdu ku xirtay qaybo kamid ah wadooyinka iyo isgoysyadda Muqdisho.

Xubnahaan u waramay Garowe Online ayaa sheegay in CCTV-yadda lagu rakibay meelo ku dhow hoygooda, "talaabadaasoo ay tuhunsan yihiin xukuumadda kula socoto dhaqdhaqaaqooda".

Kaamirooyinka qarsoodiga ah oo todobaadyadii u dambeeyay ay socotey dhejintooda ayaa laga maamulaa xarunta hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano Habar-khadiija.

Saraakiisha amniga ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afka dowladda in Kaamirooyinka ay qayb ka yihiin istaraatiijiyadda cusub ee xukuumadda ku xaqiijineyso nabad-gelyadda.

Horaantii bishaan December, 2019, Al-Shabaab ayaa weerartay hotel SYL oo ku dhow Madaxtooyadda, halkaasoo ay ku dishay laba askari iyo saddex shacab, sidda uu boolisku sheegay.

Shan dabley oo ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida watayna dareeska bileyska ayaa fuliyey weerarka, iyaddoo warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan qaabka ay halkaas ku tageen.

Al-Shabaab, oo Muqdisho laga saarey 2011, waa "cadowga" amniga, nabada iyo horumarka Soomaaliya, waxayna caasimadda ka fulisaa weeraro isugu jira qaraxyo gaari, weerar toos ah iyo shirqoolo dil ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM