Xilliga la dooranayo hogaanka cusub Galmudug oo la muddeeyay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga doorashadda baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah soo saarey jadwalka doorashadda madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Sidda ku xusan warqadda, 22-23 waxaa la qaban doonaa araajida murashaxiinta. 26-27 Janaayo, 2020, baarlamaanka ayaa dhageysan doona hadal-jeedinta murashaxiinta.

Doorashadda madaxweynaha ayaa loo muddeeyay in ay qabsoonto 30-ka bisha Janaayo, sanadkan 2020. Isla maalintaas waxaa la dooranayaan ku xigeenka, sidda ku cad jadwalka.

Shaacintaan ayaa imaaneysa xili gudiga doorashada uu maanta doortay gudoon iyadoo uu khilaaf jiro. Ismaandhaafka oo quseeya hogaanka guddiga wuxuu u dhaxeeyaa Ahlu Suna iyo dowlada.

Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ay dalbatay in xubin ka tirsan uu noqdo guddoomiyaha guddiga, hase ahaatee, waxaa lagu waramayaa in ay xukuumadda kasoo horjeesatay.

Xubnaha Ahlu Sunna ku metela Golaha Wakiilada ayaa doorashada gudoonka cusub ku tilmaamay "afduub ay Villa Soomaaliya ku sameysay geedi u socodka codeynta hogaanka Galmudug".

Hoos ka akhriso jadwalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM