Waqtiga ay Soomaaliya ka bixi doonan ciidanka Itoobiya oo la iclaamiyay

Image
Ciidamada ATMIS-ka kadib waxay ka kala iman doonaan afarta waddan ee kale ee ay ka mid yihiin Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa rajaynaysa in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka dhammaadka bisha December 2024, sidda uu sheegay Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Macallin.

Sida laga soo xigtay Xuseen Macallin, ciidamada Itoobiya kama mid ahaan doonaan ciidamada AU-da ee ka howlgala dalka marka uu dhamaado howlgalka ATMIS-Somalia bisha December.

Soomaaliya waxa ay saaxiibada caalamiga ah kala xaajoonaysaa in la helo ciidamo caalami ah oo ka hawlgala Soomaaliya muddo hal sano ah laga bilaabo Janaayo 2025.

Ciidamada ATMIS-ka kadib waxay ka kala iman doonaan afarta waddan ee kale ee ay ka mid yihiin Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Ciidamada Itoobiya ee bixi doona marka la gaaro December ayaa haatan waxa ay badankooda ku sugan yihiin magaalooyinka gobolada Jubaland iyo Koonfur Galbeed halkaas oo maamulada joogga ay gacansaar dhow la leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo sheegtay in mudo-xileedka Xasan Sheekh uu dhamaadey

Sidoo kale, hay’adda ayaa ku adkeysatay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 01:05PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Danjiraha Turkiga xilli uu fashilmay Wahadalka doorashadda

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay fashil kusoo dhamaadey wahadalkii Mucaaradka iyo Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 11:32AM