Waqtiga la ansixinayo wasiirada cusub ee KG oo la shaaciyay

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa shalay oo Isniin ahayd waxa uu si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 7aad ee Gollaha Wakiilada Baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa ku tartarsiiyay xubnaha xukuumadiisa cusub in ay ka shaqeeyaan danaha shacabka, ayna dhinac isaga leexiyeen tan gaarka ah.

"Waxaa shaqo naga sugaya shacabka ay la degeen amni xumo iyo nolal liidata," ayuu Lafta Gareen yiri, isaga oo raaciyay "Waxaan balanqaadeynaa barwaaqo iyo amni lagu naaloodo, hadii uu ALLE raali ka noqdo".

Dhanka kale, Afhayeenka sharcidejinta Koonfur Galbeed, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Kal-fadhigaan ay hortaalo shaqooyin badan, wuxuuna ka dalbaday mudanayaasha wadasheyn.

Mr Maye oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in Fadhiga ugu horeeya ay yeelan doonan maalinta Arbcada ah ee 27-da bishaan, kaasi oo ajendaha uu noqon doono kalsooni siinta wasiirada cusub.

"Intaasi kadib, waxaan sii wadan doonaa fadhiyadeena caadiga ah, oo aan ku meel-marin doono xeerar iyo miisaaniyada dowladda," ayey warbaahintu kasoo xigatay Gudoomiye Maye.

13-kii bishaan Febraayo ayay ahayd markii Lafta Gareen uu dhameystiray gollihiisa xukuumada, taasi oo ka kooban 48 mudane, oo kala ah; 23 wasiiro iyo 25 wasiiro ku xigeeno, iyada aanu jirin wasiiro dowlayaal.

Wasiiro ayaa xilalka loo magacaabey iska diiday iyaga oo coksanaya in beelaha ay kasoo jeedaan aaney u qalmin jagooyinkaasi, waxaana maalmihii lasoo dhaafey socday dadaalo lagu xalinayo.

Warar xog ogaal ayaa ku waramaya in Lafta Gareen uusan wali buuxin boosaskaasin, hasa yeeshee, waxaa la sheegayaa in kahor inta uusan Baarlamaanka horgeynin uu soo magacaabi doono.

Lafta Gareen oo xulufo dhow la ah Villa Somalia taasoo ku taageertay guusha uu ka gaarey doorashadiisa bishii December ayaa maamulkiisa waxa uu wajahayaa caqabado ay ku jiraan; amniga, siyaasada iyo hanaanka awood qaybsiga.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM