Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Iska hor-imaad culus oo maanta duhurkii Ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhex-maray Saldhiga Jeneraal Gordan oo ku yaalla magaalada Muqdisho

Dagaalka ayaa yimid kaidb markii Ciidamada dowladda ay isku dayeen inay kahor tagaan Askar dhac u geysanayay saanad iyo agab military oo yaalla Keydka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Gordan.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa sheegay in lasoo qabtey qaar kamid ah Askartii dhaca geystay saldhigga, kaasi oo mudo sanado ah dowladda Imaaraadka tababar ku siinaysay Ciidamada dowladda Federaalka.

Gorod ayaa intaasi ku daray in tiro aad u yar oo Saraakiil iyo Askar isagu jira ay soo qabteen, islamarkaana ay jiraan dhowr Askari oo baxsatay kuwaasi oo uu sheegay inay Ciidamada ku raadjoogaan.

Wararka madaxa banaan ee Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in Askartii deganayd Saldhigga ay ka dambeeyeen boobka, kuwaasi oo markii dowladda Imaaraadka oo siin jirtay cuntadooda iyo mushaaraadkooda ay taageeradeeda la noqotay.

Askarta ayaa ku fekeray markii saldhigga laga jaray Korontadadii, Biyihii iyo daryeelkii kale ee ay heli jireen inay boobaan agab military oo gaadiid dagaal iyo hub isagu jira, taaasi oo keentay inay isku dhaceen Ciidamo kale oo katirsan dowladda.

Iska hor-imaadka dhacay maanta ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 6 Askari, iyadoo ku dhawaad 10 kale ay ku dhaawaceen kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Ciidamada xoogga dalka.

Imaaraadka Carabta oo tababar siisay boqolaal Askari oo dowladda katirsan ayaa waxay gebi ahaan joojisay howlihii ay kawada Muqdisho saddex maalmood kahor, iyadoo kala baxday tababariyaashii ka joogay.

Arintan ayaa ka dambaysay markii uu meel hoose gaarey xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyadoo ay Xukuumadda Federaalka sheegtay inay wado dedaallo ay dib ugu soo celinayso wadashaqeyntii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM