Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo iyo Guddiga doorashada oo war soo saarey

Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga qaban-qaabadda doorashadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saarey Jadwal cusub, kaasoo uu ku shaqaynayo inta laga gaarayo maalinta coddeynta oo ah 19-ka bishaan.

War qoraal ah oo uu Guddigu soo saarey, 13-ka December 2018, uuna ku saxiixan yahay Gudoomiye Shaacir Cumar Bayle, ayaa lagu xusay in hadal-jeedinta musharixiinta qabsoomeyso 16-ka bishaan.

Intaas waxaa dheer, Gollaha Wakiiladda Koonfur Galbeed oo ah cod-bixiyaasha, ayaa lagu sheegay bayaanka in 18-ka bisha, maalin kahor cod-bixinta, loo qaban-qaaban doono tababar guud.

Go’aanaddaan cusub oo ay soo saaray Guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xili dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa Mushariixiinta ugu cad-cad inay tartanka ku guuleystaan.

War-saxaafadeed ay Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya soo saartay ayay ku sheegtay in qabashada Abuu Mansuur ay timid markii uu jabiyay heshiis lala galay markii Muqdisho la keenay 2017 iyo inuu ciidamo geystay Baydhabo.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo aaday iyadda oo Villa Soomaaliya lagu eedeeyay inay faragelin ku hayso doorashadda, taasi oo shaki gelinaysa inay noqoto mid xor oo xalaal ah, sida ay sheegeen Xildhibaano Baarlamaanka Federaalka katirsan.

- Xaaladda Baydhabo -

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xaaladda caawa ay kacsan tahay, islamarkaana ay ciidamada taabacsan Mukhtaar Roobow iyo kuwa Itoobiya ay isku hor-fadhiyaan, iyadoo wadooyinka lagu xiray dhagxaan, sidoo kalena taayaro lagu gubey.

Rasaas goos-goos ah ayaa laga maqlayaa magaalada, oo gebi ahaanba aan jirin wax dhaq-dhaqaaq ganacsi ah, waxayna dadka shacabka ah dhigeen dibadbax galabta oo ay kaga soo horjeedaan xarig Roobow.

Dhaqaatiirta Isbitaalka guud ee Baydhabo ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo Askar Itoobiyaan ah ay kamid yihiin, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

WARQADDA GUDDIGA DOORASHADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM