Wararkii ugu dambeeyay Qarax culus oo ka dhacay Wanlaweyn

Image

WALLA-WEYN - Qaraxaan oo ahaa Miino ayaa wuxuu ka dhacay Hotel ku yaala duleedka degmada Wanla-Weyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ku dhintay 11 Askar, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale, sida ay sheegatay Al-Shabaab.

Laakiin, maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa wuxuu beeniyay warkaan, isagoona sheegay in kaliya ay ku dhinteen qaraxa Hal askari oo ka tirsan ciidanka dowlada, ayna ku dhaawacmeen saddex kale, oo xaaladooda lala tacaalayo.

Labadda dhinac ayaa waxay sheegeen in Askarta ku dhaawacantay weerarka loola cararay Isbitaal ku dhex-yaala Garoonka Diyaaradaha ee Ballidoogle, halkaasoo oo ay degan yihiin Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaali ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtey in qaraxa ay la beegsatay meel ay ku tilmaameen in lagu cabayey waxybaabaha maanka dooriya islamarkaanka dadka ku dhintay uu kamid yahay Madaxii Maaliyada Wanlawayne, oo magaciisa kusoo gaabisay Hurdaaye.

Goobjoogayaal u waramay Warsidaha Garowe Online, waxay sheegayaan in goobta uu ka dhacay qaraxa uu gaarey burbur lixaad leh, islamarkaana uu ahaa Hotel dhawaan la dhisay, uuna ahaa shaqsi ka yimid dhawaan dalka dibadiisa.

“Qaraxa oo dhacay Fiidkii wuxuu ahaa mid aad u culus, waxaana laga maqlay dhamaan Magaaladda, meesha uu ka dhacay oo ahayd Hotel mar dhaw la dhisay waxaa gaarey burbur badan,” Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sidaasi GO u sheegay.

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan ciidamada xooga dalka oo ku sugan gobolka Shabelle Hoose oo diiday in magaciisa aan adeegsano sababo ku aadan inaan loo ogolayn la hadalka warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dhimashada Askartu ay gaareyso 5.

Dhawaan ayey ahayd markii weeraro kala duwan oo ka dhacay Suuq Khaadka lagu iibiyo iyo isla duleedka Koonfureed ee Magaalada lagu beegsaday Askarta dowladda, kuwaasi oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM